Xog: Halkee ka baxday xuquuqda ciidamada DF 3-dii bil ee u danbeysay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa halka la mariyay Xuquuqda ciidamada dowlada Federaalka ah ee Somalia 3dii bil ee lasoo dhaafay.

Xogaha aan heleyno ayaa muujinaaya in ciidamada Hay’adaha amniga DFS aan mushaar lasii muddo 3bil ah, iyadoo la xaqiijiyay in xuquuqdooda lagu maareeyay Mooshino ay wadeen Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xildhibaanada ayaa Mooshinka kawaday Ra’isul wasaare Kheyre, waxaana la xaqiijiyay in dhaqaalahaasi loo isticmaalay xalinta Mooshinka.

Mooshinada ugu badan ee laga keeno Madaxda ugu sareysa dalka aya waxaa xalintooda loo adeegsadaa xuquuqda ciidamada dowlada oo iyagu shaqeeya mushaar la’aan marka laga soo tago faanka ay Madaxdu ka jeediyaan Xafladaha.

Ciidamada amaanka ayaan si rasmi ah u garankarin halka dowlada Federaalka loo mariyo dacwadaha iyo dhaliisha ay qabaan, balse waxa ay taa bedelkeeda dowlada ku dareensiiyaan xuquuq la’aanta heysata dayacaad amni, taa oo calaamad u ah Madaxda.

Sidoo kale, Xildhibaanada BFS ayaa iyaguna lagu dhaliilaa inay yihiin kuwo meel-xun fadhi oo macaash ka raadiya Mooshino iyo howlo kale oo lagu cuuryaaminaayo dowlada, waxaana xusid mudan inay ogyihiin in dhaqaalaha lasiinaayo ay tahay Xuquuqda ciidamada.

Sidoo kale, dowlada Somalia ayaa u muuqata mid aan wali garan ahmiyada ay leeyihiin Ciidamada maadaama aanu jirin isla xisaabtan rasmi ah.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowlada ayaa noqonaaya kuwa ugu mishaarka yar marka la’eego shaqaale dowladeed waxa uuna mishaarkooda u dhexeeya 100 ilaa 200 oo dollar oo Shantii bil hal mar lasiiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com