25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xog: Hogaamiyeyaal ku qul-qulaya Balcad iyo maamul sharci ah oo loo dhisayo Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Balcad kusoo qulqulaaya Siyaasiyiin iyo hogaamiyeyaal hore oo doonaaya in magaalada Balcad ay ka dhex aasaasan maamul cusub oo uu yeelan doono Gobolka Banaadir.

Qorshahaani lagu yegleelayo maamulka cusub ayaa waxaa isla daadihinaaya Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Cosoble iyo xubno uu ku jiro Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah Xildhibaanada dalka.

Qorshaha ugu weyn ayaa la sheegay inuu yahay in Degmada Balcad la dhigo gogosha lagu dhisaayo maamul goboleed uu yeesho Gobolka Banaadir, waxaana la sameyn doonaa maamul KMG ah.

Maamulka uu yeelan doono Gobolka Banaadir ee lagu dhisaayo magaalada Balcad ayaa waxa uu noqon doonaa mid matalaad buuxda u ah dadka degan gobolka Banaadir, oo hadda wax maamul sharci ah aan lahayn.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee iminka Taabit Cabdi, ayaa ah shaqsi uu soo magacaabay madaxweynaha dalka, mana ahan mid taageero ka haysta oo matala dadka degan gobolka.

Waxa uu sidoo kale wadaa dadaallo looga soo horjeedo dhismaha maamul sharci ah oo matala shacabka magaalada.

Dhinacyada doonaaya in maamulka lagu dhiso awood ayaa sidoo kale la sheegay in DF Soomaaliya ay siisay digniin, waxaana jira warar sheegaya in ciidamo la geeyay Degmada Balcad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News