27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Xog: Howlwadeenada ku haray Villa Somlia oo naxsan iyo shaqaale hor leh oo la eryayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa isbedelada ka socda Villa Somalia, kaa oo lagu kala yareynaayo Howlwadeenada ka shaqeeya Madaxtooyada.

Isbedelka koowaad ayaa saameeyay Protocol-ka Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo kuwaa oo tirro ahaan lagu sheegay ilaa 11 xubnood oo loo wareejiyay Wasaarada arrimaha Dibadda oo markii hore laga soo xulay.

Protocol-ka la kala eryay ayaa waxaa shaqo geeyay Agaasimihii hore ee Villa Somalia ee la shaqeyn jiray Ex Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isbedelka labaad ayaa la sheegay inuu saameyn doono ilaa 7 Xubnood oo si dhow ula shaqeyn jiray Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Isbedelka soo socda ayaa waxa uu xitaa saameyn doonaa Kooxo la sheegay inay yihiin boostoolayaal kuwaa oo Warqadaha u kala gudbiya Xarumaha Wasaaradaha xukuumada.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in isbedelka soo socda uu saameyn doono Protocol-ka Madaxweynaha qeybta 2aad ee qabta ballamaha martida.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in isbedelka ay qeyb ka noqon doonaa dhammaan shaqaalaha Villa Somalia oo seddex meelood laba meel iyo bar la kala yareen doono, waxaana socda qorsho lagu xadidaayo shaqaalaha maadaama Villa Somalia ay hoos u dhigi doonto mushaaraadka ku bixi doona shaqaalaha.

Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladiisa aysan kasii shaqeyn doonin xubnaha ka caajisa shaqooyinka iyo kuwa lagu soo xulay qaab qabiil.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu isbedelkaani walaac gaara galiyay dhammaan howlwadeenada Villa Somalia oo iyagu shaqeynaayay 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News