Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland u soo jeedisay in ay gacanta ku dhigaan magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag, si looga hortago qorshaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo ee Laascaanood ka socda.
Imaaraadka ayaa dalbaday in magaaladaas la geeyo ciidanka ay maalgaliyaan ee PMPF-ta Puntland, si looga hortago in degmada Laasqoray laga dhiso Dekad uu yeesho maamulka cusub ee lagu dhisayo Laascaanood.
Imaaraadka ayaa u arka in maamulka dhismihiisu ka socdo Laascaanood mid qaadi doona tallaabo uu ku dhisanayo Dekadda magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag.
Sababta Imaaraadku ay cabsi badan uga qabaan in Laasqoray deked cusub laga dhiso waa inay cuuryaamin karto maashkooda maalgashiga ku sameeyeen dekadaha Berbera iyo Boosaaso.
Puntland iyo Somaliland ayaa labadaas dekadood ku wareejiyey Imaaraadka oo maal-geliyey, sidoo kale ka fekera habka hormarintooda, taasi oo keentay in hadda ay ku dhaqaaqaan qorshahooda faro-gelinta maamulka cusub ee Laascaanood lagu dhisayo.
Sida ay muujinayaan nuqullo ku jira heshiiska Imaaraadku ay la galeen Puntland iyo Somaliland, waxaa ku jira in aan dekad laga dhisi karin dhul masaafo ahaan u dhawaan kara labadaas dekadood ee Boosaaso iyo Berbera.
Sida ay Caasimada Online la wadaageen ilo wareedyo kala duwan Imaaraadka ayaa Deni ka dalbaday in uu joojiyo dhismaha dekedda Garacad, balse ganacsato saamayn leh oo reer Mudug ah, gacantana ku haayay darteed ayaa fashiliyey isku daygii Imaaraadka, taasi oo suurtagelisay dhismaha dekedda Garacad.
Intaas Imaaraadku kuma harin ee waxa uu go’aansaday la wareegidda Dekadda Garacad, waxaana weli socda qorshaha ay kula wareegayaan, inkastoo uusan dhicin heshiis rasmi ah.

