Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbed ayaa Muqdisho iyo Baydhaba ku diyaarinaya mooshin la doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ololaha ayaa waxaa wada is-baheysi labada dhinac ka kooban oo aan isku dan ahayn, balse midba dantiisa gaarka ay ku qasabtay kacdoonka iyo dagaalka ka dhan ah Shariif Xasan oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho.
Kooxda ugu horreysa ayaa ah xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan baarlamanka Koonfur Galbeed, oo ka cabanaya dhaqaale la’aan iyo in Shariifka lacagtii soo gashay maamulka uu isaga isku koobay, islamarkaana uu la fariistay Muqdisho iyo Nairobi oo marba meel uu ku sugan yahay.
Illaa shan wasiir oo ka mid ah maamulka Shariif Xasan ayaa si cad warbaahinta uga sheegay inay doonayaan in xilka laga qaado Shariifka, oo ay ku eedeeyeen inuu gabay howshii loo xil saaray.
Kooxda labaad ayaa ah koox awood badan oo ka kooban siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool iyo ganacsato, kuwaas oo weli carro ka qaba qaabkii uu u maamulay doorashooyinkii aqalka hoose ee ka dhacay Baydhaba.
Kooxdan oo ku guuldarreystay inay xildhibaano noqdaan ayaa doonaya inay ka aargutaan Shariifka, waxayna adeegsanayaan dhaqaale xooggan oo ay ku kicinayaan xildhibaanada Koonfur Galbeed.
Shariifka ayaa lagu eedeeyey inuu aqalka Hoose ka buuxiyey qaraabadiisa.
Shariif Xasan oo hadda Muqdisho u jooga ololaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa arrintan ay caqabad ku noqoneysaa inuu ka hortago, maadaama uusan Xamar ka tagi karin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

