Xog: Dowladda Itoobiya oo ciidamo hor leh oo diyaarado wata soo gelisay Soomaaliya

Doolow (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhaq-dhaqaaqyo ay Itoobiya ka billowday qaybo kamid ah gobolka Gedo, taas oo la xiriirta xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhexeysa Soomaaliya, kana dhalatay heshiiska badda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ay saacadihii ugu dambeeyay kasoo gudbeen xadka uu gobolka Gedo la wadaago Itoobiya, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Rukoow ayaa Shabelle TV u sheegay in ciidamadaas aysan ahayn kuwii horay u joogay gobolka Gedo.

“Walaal ciidamadii ugu badnaa oo Itoobiyaan ahaa ayaa saacadihii u dambeeyay waxa ay kasoo talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadaagaan, gaar ahaan degmada Doolow ee gobolka Gedo” ayuu ku yiri wareysi uu bixiyay Siyaasi Maxamed Aadan Rukoow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadaan ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay wataan diyaarado Helicoptero ah, sida uu hadalka uu dhigay.

“Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka culus sidoo kalena wata Helicoptero waxay kasoo qul-qulayaan buundada u dhexeyso Doolow Itoobiya iyo Doolow Soomaaliya, ayaga oo usoo gudbaya dhanka Soomaaliya” ayuu hadlakiisa sii raaciyay.

Rukoow ayaa sidoo kale xusay in ciidamadaas ay isku sii fidyeen gobolka intiisa kale, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

“Waxaa isku fidiyeen ciidamadaan laba waddo oo mid ay aado dhinaca Luuq, tan kalena Geed-weyne iyo nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Doolow” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu yiri “Ciidamadan cusub waa kuwo ka tiro badan kuwii horay usoo gudbi jiray, waxaana loo aaneynaa xiisadda u dhexeyso labada dal”.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay si weyn isku hayaan dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii uu khilaaf ka dhashay heshiiska badda.