25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xog iyo fallanqeyn: Dhismaha maamul goboleedka Banadir State

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Mudo 27 sano  ah ayuu Gobalka  Banadir ku jiraa cadalad darro, Colaad, dagaal aan kala joogsi lahayn,  waxana ku nafwaayay dad ka badan 2 malyan ruux oo Somali ah  majiro Gobal kale ee intaas oo dad ah lagu dilay, dowladihii dalka soo maray iyo tan haatan shaqaysa oo aan  marnaba dhexdhexaad  kaahayn  dhismaha mamul Gobaledka Banadir State.

Waxaa la dul-dhigay shacabka ku nool Gobalkani Cunaqabatayn dhaqale iyo mid siyaasadeed waxayna dowlad kasta ee soo martay ahayd mamul Gobaled aan dhafi Karin Xamar,  waxan xasusta in madaxdii  dalka soo maray qaarkood ay si cad u qirten dheheena “xagee xukumaa hadii aan mamul-gobaleed u dhiso Banaadir” wuxuna aminsana in dowladiisu tahay Mamul Gobaled ka taliya Banadir oo qura.

Gobalka Banadir waa Gobalka Ugu dhimashada iyo dhaawaca Badna ee lagu hoobtay Dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray ilaa iyo hadana ku dulman Federalka dalka ka hirgalay looman ogola in ay helaan matalaada 2da aqal ee Barlamaanka Somaliyeed waxana sabab looga dhigay ma lihidiin mamul-gobaleed.

Runta waxay tahay hadii aney Mamaul- Gobaleed lahayn Reer Banadir kama qayb galikaraan awood qaybsiga dalka ka hanqaaday, waxan aminsanahay in federalka macnihiidu yahay  baahinta  Awoodda qaranka si an  Gobalna  gobalkale ugu tagri falin.

Waa  fekir aad iyo aad u daciif ah wana  Cadaalad drro in la yirahdo Shacabka Gobalka Banadir kama Qaybgalayo awood  qaybsiga federalka dalkeena, Ciddii arintaas ku Kacdo ama lexiso Caddalada waa gabood fal caddaan ah ee an geedna leesugu soo gamban waxayna  Mudantahay in layska celiyo.

Banadir State dhismaheedu wuu socdaa, mar dhawna waa lasoo gaba-gabenayaa insha’lah, Affar jeeblayasha isku dayayo in  ay burburiyaann kana hortagaan  dhismaha maamulkan waxa u wanaagsan in ay ka fiirsadan oo aney hor stagin mutaqbalka dhalinta soo koreyso ee  ku manafacsan doona, wayo, asagood maamulo ayaa awoowayashod u sameyey.

Waxaa malmahan dambe  soo shaac baxay danistayaal fara ku tiris ah ee ka mid ah shacabka degan Gobalka Banadir oo loo adeegsamayo burburinta  iyo ka hortagga  aas aaska dhismaha Maamul- gobaledka cusub ee banadir state, lakin dhalinyarada, waxgaradka,  siyasiyiinta, Mutacaliniinta  iyo  ururada bulshada dhamaan  indhaha  ayey ku haayaan.

Xaqiiqada  waxay  tahay  ilaa 1991kii in Mamul laga dhiso Gobalka Banadir waxaa  hor taagnaa  danistayal gar ah iyo siyasiyiin can ah oo ka dhex shaqeya  Shacabka iyo Dowlada ayago iska dhigaayo dad daacad ah lakin ka fekirayo jeebkooda kaliya taas ayaa dib u dhgtay in uu Banadir Mamul-Gobaleed  ka dhismo sda muuqatana weli jeebkooda ma buuxsamin.

Mamul-gobaledyada dhismay mid laga sugay Dowlada Federalka ma jiro,  Qolawalba aygaa dhistay Mamulkooda, Reer Banadir State Cidna ma sugayaan ayagaa dhisanayo Mamulkooda Madaanma ay Dowlada Carqaladysaday in  Xamar ku dhistaan Gogosha waxay taalaa Balcad.

W/Q: Dr. Hussein Ali Nuur
E-mail [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News