28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

XOG iyo Gorfeyn: Muqdishaay maxaad bi’isay oo ay masasku kuu cunayaan?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Magaalada Muqdisho waa Xaruntii Dowlada Dhexe ee Soomaaliya , Sidoo kale waa Xaruntii  laga hagayey Ganacsiga , Dhaqaalaha iyo Siyaasadda marka dhinac kale laga eegana waa Gobolka ugu Degmooyin badan uguna dad badan Gobolada kale ee Soomaaliya.  Waayo waxaa lagu qiyaasaa umadda ku nool tiro ahaan in ku dhow 2.5 ilaa 3 milyan inkastoo tiro koob dhow aanu jirin.

Waa hubaal dhamaan inta sare lagu soo xusay iyo ka badanba  in ay Muqdisho kulmiso,  sababtoo ah Rubac Qarni waxii ka dhacayey Muqdisho,  oo aan laga sheekeyn karin, ma jiro maamulo ama gobolo isu tagay oo sanad kaliya dulqaad u yeelan kara waxa Muqdisha ka dhacayey.  Marka soomaalidu ay jawaab u weydo shey culus waxaa hal hees u ah “Waa Su’aal Da Weynoo Madaxa daalineysa” Muqdishana Rubac Qarni hadii aan jawaab loo heyn halka laga heysto sow ma noqoneyso Waa su’aal da weynoo madaxa daalineysa. Su’aashuse waxey tahay (MUQDISHAAY MAXAAD BI’ISAY OO MASASKU KUU CUNAYAAN)

Muqdisho Kadeed aragtay 24 sano wey Kuftaa wey  Kacdaa, Markey saadaashu noqoto waa “GUUL”  Bulshaduna ay u riyaaqaan . Ayaa xaaladu wejiyo cusub iyo qandaraasley cusub soo shaac baxdaa. Waxeyna ku dhaqaaqan dabar goynta, Aqoon yahanada, Saraakiisha,  Siyaasiyiinta, Ardayda (LAB IYO DHEDIG)  Macalimiinta, Culimadda, Indheer garatada, Cuqaasha, Salaadiinta,  iyo cid walboo loo arko in ay bulshadani agtooda qiimo weyn ugu fadhiso.

Waa maxaay sababtu? Sababtu  wey wejiyo badan tahay, waxana ka xusi karaa dhowr sheey oo u baahan in bulshadu fiiro gaar ah u yeelato. Gacan bir ahna ku soo qabtaan dhagar qabayaasha Masaska ah ee cunaya Waxgalkooda ama Nin doorkooda haweenkuna kama marna waayo waxaa loo dilayaa kaalinka ay kaga aadan yihiin bulshada iyo kartidooda. Waxaan ka xusayaa dabar goyntaa oo asal u ah:

  1. Muqdisho waxey leedahay cadow fara badan oo isugu jira soomaali iyo ajnabi Soomaaliduna waa kuwa uu ajnabigu u soo maro wado ama dariiq kasta waxaana lagu bixiyaa malaayiin doolaar taa oo cadeyn u ah kii la qabtaba ee wax dilay mushahar buu qaataa..
  2. Soomaalidu aan sii kala shaan dheeyo.Group waa kuwo ku soo hana qaaday Musuq-maasuq iyo lunsasho hanti shacab iyo mid qaran kuna lunsaday nidaam ama hab dowliya laga soo bilaabo dowladihii rayidka ahaa iyo tii Militeri. Groupkani waxaa ka go’an hadaan hantidii  shacabka sidii loo dhuuqeyn in Muqdisho aaney ka bixin fowdo, dil iyo barakac joogto ah.
  3. Dowladii sal dhigatana bur -burinteed qeyb weyn bey ku leeyihin groupkaan,waayo waxey isku dhiibeen beri hore Eithiopia iyo Kenya oo cadow soomaaliyed ah halkaas  beyna ka helaan taageero qudbo siro ah. Group-kani waa kan ugu qatarsan kala dhantaalida iyo kala fogeyta soomaali-weyn, siyaasadooduna wey fog tahay cid welibana ma garan karto oo shisheeyey u adeegan maadaama ay horey u fashilmeen.
  1. Group kale waa kuwo indha xiran, halka doontu ay u shiraacaneysana aaney  la soconba,  wax u roon iyo wax u daran iskaba daayee, mustaqbalka halka ubadkoodu higsan doonan, kama warqabaan wixii la siiyo maanta uun baa u dana lagana yaabo marka laguu soo adeegsanaya in uu noqdo walaalkaa dhow, sabab uu kuu dilayana ma garan karo waa Qiiq Raac iimaan laawe ah. Groupkani cidii adeegsata baa leh madow iyo cadaanba.
  2. Group kale waxey wataan magac diimeed, waxeyna ku xiran yihiin intooda badan dowlado iyo maamulada Soomaaliya qaarkood, ujeedadooduna waa in muqdisho iyo gobolada ku xeeran la sal kacsho, la dilo cid walba oo umadahaa halbowle u ah, iyadoo loo daneynayo dowladaha ay dhibeyso Jamhuuriyaddii Soomaaliya, iyo Maamulada qaar aan Muqdishaba arki Karin xowliga ay ku socoto sida dabeysha. Waxaa taa daliil u ah hogaamiyaashooda  waa weyn iyo halkey ka soo kala jeedan oo la oran karo waa Safiiro goboleedyo dano guracan ku hoos wata shaar diimeedka. Groupkani waa groupka 2-aad ee halistooda wata.
  1. Amaan darida Muqdisho ka dhacdaahi Kenya iyo Eithiopia kama marna meeshey doonaan ha u soo maraane, waayo Muqdisha waxey ka mid tahay gobolada fara ku teriska ah, ee weli uu ka nool yahay Calanka buluugga ah dhexdana ku leh xiddig 5 geessa.Xaruntii dowlada dhexe oo hagaagtana wey dhibeysaa waana ayaga kuwa noo soo min guuriyey maamul Goboleedyo, si aan loo helin dowlad dhexe oo power leh.Waxaana qalad aheyd in laga aqbalo Ciidamada ka jooga gudaha ee wataa magaca Amisom  waayo dhul bey ka heystaan Jamhuuriyaddii Soomaaliya mana noqon karayaan dhex dhexaad.

Guntii iyo geba gebadii Muqdisho waxey u taagan tahay magaca iyo maqaamka  soomaali weyn,  waa meesha kaliya ay dowladu canshuur kaga soo xarooto, hadane qof weliba wuxuu is weydiya goorme ayaa Muqdisho loo abaal gudi doona, laga soo bilaabo sanadii 1954-tii ilaa xiligani maamulkii dowladeed ee yimaadaba wuxuu shaki geliyaa magaaladaa Maqaamkeeda iyo jiritaankeeda, si aan dadkeedu u tashan. Hadafkooduna aanuu is  gaarin. Xoolahoodana loo cuno.

Gobolka Banaadir waa inuu ka soo dhalaalaa wixii loo soo igmaday, xaqa ka maqan umaddaanina uso dhiciyaa,  Masaska cunayana ka soo dhex saaraa, suuragalna  maaha 15%-kii in loo qoondeeyo Caasimad mug weyn 85%-kii soo     harayne lagu qarash gareeyo, xildhibaano iyo wasiiro aan tegi Karin goboladii ama maamuladii ay u dhasheen oo aan haba yaraatee canshuur bixin.

W/Q: Ilyaas Xiriirshe: 

 Ilyaas81@hotmail.com            

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News