25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

XOG: Jawaari, Cumar CabdiRashiid iyo Xildhibaanno kulan gaar ah yeeshay !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada) –  Kulan gaar ah oo ay lahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka ayaa goordhow kusoo idlaaday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxa diirada lagu saarayay sidii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay u ansixin lahaayeen wasiirka koowaad ee uu dhawaan soo magacaabay madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada maanta kulanka gaarka lala yeeshay ayaa waxay ahaayeen xildhibaano damacsanaa in codka kalsoonida aysan siinin wasiirka koowaad ee xukuumada Cumar C/rashiid Cali Sharmarka.

Qaar kamid ah xubnaha lala kulmay ayaa inoo sheegay in maalmahaan ay socdeen kulamo gaar gaar ah oo lala yeelanayay xildhibaanada baarlamaanka oo laga doonayo inay ansixiyaan Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, si uu usoo magacaabo golaha wasiirada cusub.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online  u xaqiiyay in xildhibaanada badankood ay aqbaleen dalabka loo jeediyay oo ah inay ansixiyaan Cumar C/rashiid, waxayna badankood ahaayeen kuwo marka hore fikir kale qabay.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa markii dambe loo ogolaaday bahda saxaafada, waxaana la ogeyn waxa loo sheegi doono wariyaasha loo yeeray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News