28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

XOG: Jawaari oo madaxweyne XASAN u deyriyay iyo xilkiisa oo halis ku jira

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo ay Villa Somalia ku wada qaaten Madaxweyne Xasan iyo Gudoomiye Jawaari, ayaa waxa ay uga arinsanayeen guul daradii ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Somalia, xili rajadu ay aheyd meel marinta Mooshinka lagu tuuraayo R/W C/Weli.

Jawaari oo ku jahwareersan mooshinada iyo sida sahlan ee lagu fashilinaayo, ayaa waxa uu Madaxweynaha dalka ku wargaliyay in shaqsi ahaan uusan awood u laheyn inuu cajuubo Xildhibaanada ama uu ka qaado xasaanada, xili ay dhiibanayaan Ra’yigooda ku aadan diidmada Mooshinka.

Sidoo kale, Jawaari ayaa lasoo warinayaa in Xasan Sheekh uu usoo bandhigay in Xildhibaanadu ay yihiin kuwa aan mab’da laheyn, taasi oo uu micnaheedu ula jeeday ka miro dhalin la’aanta Mooshinka, waxa uuna carabka ku dhuftay in Xildhibaanada qaar ay marba marka xigta is bedelayaan.

Wuxuu sidoo kale daaha ka rogay inuusan qaadi karin ballan ku aadan hirgalinta Mooshinka, sababo la xiriira isku xirnaanshaha Xildhibaanada garabka R/W C/weli oo adag, islamarkaana ay taasi sababeyso in Mooshinka uusan halkiisa dhaafin.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan, ayaa dhankiisa Gudoomiyaha ka codsaday inuu awood ku maquuniyo inta karaankiisa ah, isagoo bartilmaameysanaya qodobada dastuurka ee kala xugminaayo Khilaafyada Madaxda dalka.

Waxaa muuqaneysa in Madaxweyne Xassan iyo Jawaari ay quus ka taagan yihiin socodsiinta Mooshinka, waxa ayna arrintaani muujineysaa niyad jabka Madaxweyne Xasan oo haminaayay in kulankii shalay BF go’aan cad laga gaaro R/W C/weli, hase yeeshee uu xaalku noqday kud-ka-guur ee qanja u guur.

Jawaari ayaa laga yaaba in hirgalin la’aanta Mooshinka uu ku waayo Xilkiisa sida laga soo xiganaayo xildhibaanada mooshinka wada, oo ku hanjabay inay mooshin ka keeni doonaan Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News