26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

XOG: Jawiga Villa Somalia oo kacsan & kulamo aan caadi aheyn oo ka socda !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in goor dhow uu halkaasi ka bilowday kulamo aan caadi aheyn oo u dhexeeya Madaxweynaha dalka, Wasiiro hore iyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.

Kulanka ayaa la tilmaamayaa inuu yahay mid loogu gogol xaarayo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo saacadaha soo socda kusoo fool leh Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa taageerida Xukuumada cusub ee la filaayo in dhawaan la magacaabo, iyadoona uu Madxaweyne Xassan Wasiiradii hore iyo Xildhibaanada ku boorinaayo in garab laga geysto taageerida Xukuumada cusub.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu aad uga cabsi qabaa in Xukuumada Cusub ay yeelato mucaarad, gaar ahaan waxa uu aad uga cabsi qabaa in magacaabida Ra’isulwasaaraha ay is hortaagan BF Somalia.

Dhanka kale, Villa Somalia ayaa waxaa hada laga dareemayaa jawi ka duwan kii hore, waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu 24-ka saac ee soo socda uu ku dhawaaqo qofka uu uxushay inuu u magacaabo xilka Ra’iisul Wasaarnimo ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News