27.5 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Xog: Kheyre oo muqdisho ka wada kulamo ka dhan ah xildhibaanada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu halkaa kawado kulamo ka dhan ah Xildhibaanada baarlamaanka.

Kulamada Kheyre oo saacadihii ugu danbeeyay sii xoogeysanaayay ayaa waxa uu la qaadanayaa Wasiirada ka tirsan xukuumadiisa ee qeybta ka ah baarlamaanka Somalia.

Kheyre ayaa Wasiirada ka tirsan baarlamaanka u adeejinaaya Xildhibaanada waxa uuna ku cadaadinayaa in Wasiir waliba uu soo xerro galiyo 10 ilaa 20 Xildhibaan oo kamid ah Xildhibaanada miisaanka ku dhex leh BF.

Waxa uu ka dalbanayaa inay ka faa’iideystaan fursadaha ka harsan is araga Xildhibaanada iyo bilaabida mooshinada horyaal baarlamaanka.

Sidoo kale, Kheyre ayaa kulamo ka duwan kuwaa la qaadanaaya Odayaasha beelaha Hawiye oo uu kala hadlaayo Xildhibaanada Hawiye ee carqalada ku haya dowlada Federaalka.

Kheyre ayaa Odayaasha u xaqiijiyay inay jiraan Xildhibaano badan oo lagu shaqeysanaayo isla markaana la doonaayo in laga hor istaago dadaalka ay ugu jiraan fashilinta dowlada hanaqaaday.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo ifbaxaayay warar sheegaya in Guddoonka baarlamaanka Somalia loo gudbiyay Mooshin ka dhan ah Xukuumada Somalia oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan.

Ma cadda sida uu arrinku noqon doono waxaana xusid mudan in Ra’isul wasaaraha dalka uu wakhti badan galinaayo xalinta tabashooyinka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News