Xog: Kheyre oo wada-hadal la yeeshay xildhibaano iyo shuruudo la isku fahmi waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaalia Xasan Cali Kheyre ayaa wada-hadallo qarsoodi ah la yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, inkasta oo ay guul darro ku dhammaadeen, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Online u sheegay in xildhibaanada Kheyre uu la kulmay ay ka mid yihiin Faarax Cabdulqaadir iyo Cabdiraxmaan Odawaa, iyo xubno kale oo ka mid ah kooxda Damu-Jadiid.

Sida aan xogta ku helnay wada-hadalladan oo uu codsaday ra’iisul wasaaraha ayuu taageero kaga raadinayey xildhibaanada, oo ka mid ah kuwa gadaal ka riixaya mooshin hadda u muuqda mid qaboobay laakiin la qorsheeyey in lasoo gudbiyo kadib bisha September.

Xubnaha ayaa ra’iisul wasaaraha usoo bandhigay shuruudo ay ka mid yihiin xilal safiiro iyo wasiiro, hase yeeshee wuu ku gacan seeray, isaga oo ku dooday inay yihiin shuruudo aad u adag.

Wararka ayaa sheegaya in kadib diidmadiisa shuruudaha xildhibaanada ay ugu hanjabeen mooshin kadib bisha September oo lix bil ay u buuxsameyo, maadaama sharciyan aan ka hor mooshin laga kenei karin xukuumadda.

Kooxda Damu-Jadiid ayaa ah kooxda ugu mucaaradka badan dowladda, waxaana dagaal warbaahineed oo ay kula jirto uga wakiil ah xildhibaan Mahad Salaad, oo wax kasta oo ay dowladda sameyso ku dhaliila baraha bulshada sida facebook iyo twitter.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com