Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf la xiriira mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay xiisadda ka dhex oogan dalalka Carabta, ayaa ka dhex ooggan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa doonayey in dowladda ay xiriirka u jarto dalka Qatar oo ay taageerto dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga, halka madaxweynaha uu ku adkeystay in arrinta dhex dhexaad laga noqdo.
Dhex-dhexaadnimada madaxweynaha qaatay ayaa dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka u arkaan inay la macno tahay in dowladduu raacday dhinaca Qatar, sida ay sheegeen dad arrintan xog-ogaal u ah.
Waxaa hadda muuqata in mowqifkii madaxweynaha uu guuleystay maadaama dowladda ay soo saartay bayaan ay arrinta dhex dhexaad uga noqotay.
Arrintan ayaa la sheegay in dowladda Sacuudiga ay aad uga xumaatay, waxaana hadda suurta-gal ah in wafti ka socda dowladda Soomaaliya oo jooga dalka Sacuudiga aysan ku guuleysan qorshihii ay marka hore u baxeen.
Waxaa weli socda dadaal la doonayo in dowladda Soomaaliya looga dhaadhiciyo inay mowqifkeeda beddesho, xiriirkana u jarto Qatar, kaasi oo ay gadaal ka riixayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka baaqday shir uu uga qeyb gali lahaa dalka Norway, si arrintan gadaal looga riixo, waxaana badalkiisa aadaya wasiirka arrimaha dibedda Yuusuf Garaad Cumar.
Ma cadda, halka ay arrintan ku dambeyn doonto, waxaase muuqata in xiisaddii dalalka Carabta ay saameyn ku yeelatay Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]