29.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Axmed Madobe & Fartaag oo is haya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada online) Warar Soo ifbaxaya ayaa sheegaya in Hoogaamiyaha Mamulka Jubba, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,  iyo Kuxigeenkiisa General C/laahi Sheekh Ismaaciil fartaag, uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Khilaafkan soo kala dhexgalay labada Mas’uul ayaa la tilmaamayaa inuu salka ku hayo Dhameystirka Maamulka Jubba , kaas oo ay wada sugayaan Shacabka Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo isla-Markaana ay hadal hayaan.

Labada Mas’uul ayaa isku fahmi waayay goorta, iyo qaabka loo dhameystirayo maamulka Jubba ee wakiilka ka Gobolada Jubbooyinka gado aqoonsigana ka heysta dowlada Soomaaliya, inkastoo haatan qilaaf uu u dhexeeyo maamulkaas iyo dowlada Somalia.

Warar ayaa sheegaya in Khilaafka Labada Mas’uul uu salka ku hayo Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo labada Mas’uul kala tageeraya , taasina ay tahay sababta mid waliba uu u doonayo in tiisa ay noqoto mid hir gasha.

General Fartaag, oo taageero ka heysta dowlada Ethiopia ayaa ku adkeysanaya inaan la dhameysti karin Maamulka Jubba inta laga Xaqiijinayo Heshiiska dadka dega deegaanada gobolalada Maamulkaas uu ka taliyo.

Waxaana Fartaag, uu ku adkeysanayaa in la xaliyo khilaafka ka dhexjira iminka Siyaasiyiinka kasoo jeeda deegaanada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo , oo mudooyinkan Murankiisu uu cirka isku sii shareerayo .

Hogaamiyaha Maamulka JUBBA Axmed Madoobe, ayaa isagu wuxuu doonayaa in laga baaaqsado Shirka Muqdisho , taasi Badalkeedana la dhameystiro Maamulka Jubba , waxaana arintaas ku racsan Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan sida warar hoose ay sheegayaan.

Waxaa Kismaayo ka soconaya Dadaalo la doonayo in labada Mas’uul loogu kala dabqaado kaas, si mar kale aayaha Maamulka ay meel uga soo wada jeestaan isla-markaana ha mowqif ay ka wada qaataan sidii kol horaba ay ahaayeen.

Hore Muran iyo Mugdi Soo kala dhex galay Ragii wada dhistay Maamulka Jubba qaar kood uga baxeen Sida Awlibaax , halka rag ay ku jiraan Cali Madoobe, iyo Yaasiin Raadeer laga waayay Saaxada Siyaasada Maamulka Jubba.

Maamulka Jubba ayaa dhowaan Si cad wuxuu u diiday inuu qeyb ka noqdo shur aayaha gobolada Jubbooyinka iy Gedo looga hadlayo oo Muqdisho lagu wado inuu ka furmo 23-ka Bishan Muqdisho.

Dowlada dariska ayaa lagu eedeyaa inay gadaal ka riixayaan maamulada dalka , sida dad badan ay qabaan , waxaana lagu eedeeyaa inay dano gaar ah ka leeyihiin dalkeena Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News