Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khilaaf xoogan oo maalmahaani ka dhex aloosan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Hogaamiyaha Hirshabelle Cosoble.
Khilaafka Xasan Sheekh iyo Cosoble ayaa yimid kadib markii doorasho aan leysla ogeyn magaalada Jowhar loogu sameeyay Xildhibaan C.Goodax Barre oo si wey uga soo horjeeda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Khilaafka labada mas’uul ayaa xoogeystay kadib markii Cosoble uu hakiyay ololo xoogan oo u waday Madaxweyne Xasan Sheekh, taa oo laga dhexwaday Xildhibaanada cusub ee lagu doortay magaalada Jowhar.
Cosoble ayaa sidoo kale laalay Xildhibaano dhowr ah oo uu tashkiiliyay waxa uuna go’aankaasi ka danbeeyay kadib markii Xasan iyo Cosoble ay isku fahmi waayen kulan gaara oo ay kuwada qaaten Villa Somalia inta uu socday shirka Madasha ee Muqdisho kusoo xirmay.
Khilaafka taagan ayaa dhabar jab ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo doorashadiisa ay muddo kooban ka harsan tahay.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusul duub ugu jira sida uu kula soo laaban lahaa kalsoonida Cosoble, waxaana xalinta Khilaafka ku howlan xubno ka tirsan Damul-Jadiid.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]