28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Koox ka mid ah baarlamanka cusub oo walaac gaar ah ku abuuray Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilligiisa uu dhamaadey ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka walaacsan tirada xildhibaanadii hore ka mid ah ee dib loogu soo doortay Aqalka Hoose ee Soomaaliya.

Xasan ayaa u arkay qatar in ay soo laabteen in ka badan 50% xildhibaanadii hore, kadib markii howlgab laga dhigay sanadkii ugu dambeeyey oo howshooda ay la wareegeen Madasha Qaranka ee aan dastuuriga ahayn.

Xildhibaanadii hore ayaa la rumeysan yahay inay u carreysan yihiin madaxweynaha, waxaana la aaminsan yahay inay caqabad ku noqon karaan qorshaha Xasan ee dib u doorashadiisa.

Xildhibaanada ay ka midka yihiin Cabduqaadir Cosoble, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Cabdullaahi Goodax Barre, Daahir Amiin Jeesoow iyo qaar kale oo badan ayaa dhammaantood soo galay barlamaanka cusub, iyada oo madaxtooyada ay aaminsan tahay inay ku furayaan olole aan loo adkeysan karin oo xildhibaanadii hore loogu sheegayo sidii loo soo bahdilay oo ay tahay inay ka codeeyaan dowladda hadda jirta madaxdeeda oo aysan dib usoo laaban.

Is hortaagga kursigii Caasha Xaaji Cilimi iyo Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa caddeyn u noqdey sida madaxtooyada aysan ugu faraxsanayn inay soo laabtaan xildhibaanadii hore, halka ay guud ahaan xildhibaanada ay taageereen ay yihiin kuwa cusub oo qaarkood ay ahaayeen shaqaalihii madaxtooyada iyo dad banaanka laga keeney oo qaarkood aan weligood ku fikireyn inay gali doonaan barlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ka walaacsan tirada xildhibaanadii hore ee soo wada laabtay, isaga oo aaminsan inay ka codeyn doonaan sababa la xiriira cilaaqaad xumo hore iyo shaqadoodii oo ay is hortaageen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News