Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dilka xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Puntland Cabdixakiin Firdhiye.
Dilka Xeer ilaaliyaha ayaa la xaqiijiyay inay fuliyeen Afar ruux oo laba kamid ah ay fuliyeen dilka, halka labada kalane ay ahaayen kuwo kor ka ilaalinaayay labada dhagar qabe.
Dhalinyarada dilka fulisay ayaa kasoo baqoolay magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug 14/11/2016.
Dhalinyarada dilka fulisay ayaa la xaqiijiyay in bil ka hor ay soo galeen magaalada Boosaaso kadib markii dib loo fasaxay gaadiidka xamuulka ah ee u kala goosha Galmudug iyo Puntland.
Dhalinyaradaani ayaa sidoo kale xiriir la sameyn jiray Xeer ilaaliya mudada ay ku sugnaayen deegaanada Puntland iyagoo ka dalbanaayay shaqo isla markaan ku wargaliyay inay barteen Cilmiga qaanuunka, sida aan kasoo xiganay mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha xafiiska xeer ilaaliyaha.
Dilka ayaa ka dhacay xarunta horteeda waxaana la xaqiijiyay in Xeer ilaaliyaha uu xiligaasi baxaayay isla markaana dhalinyaradu ay ahaayen kuwo meel ku dhow xarunta ku diy
Goobjooge ayaa sheegay in Labada dilka fulisay ay usoo dhaqaaqen dhanka Xeer ilaaliyaha halka Labada kalana ay difaac u noqdeen kuwa dilka fulinaayay.
Mid kamid ah dilaayaasha ayaa isku muuuqaal ekeysiiyay qof Su’aal weydiinaya Xeer ilaaliyaha waxaana sidaa ku bilowday rasaasta lagu dilay Xeer ilaaliyaha.
Dilka Xeer ilaaliyaha ayaa noqonaaya dilkii Seddexaad oo muddo ka yar laba Asbuuc ka dhacay magaalada Boosaaso.
Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday howlgal waxaana barbar socday dilalka Mas’uuliyiinta.
Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com