25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xog: Kulan uu albaabada u xirnaa oo dhexmaray Cali Guudlaawe iyo Dabageed

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan ay albaabada u xirnaayeen oo xalay Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada maamulkaasi, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo ammaanka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa labada mas’uul ay diiradda ku saareen sidii wax looga qaban lahaa xaaladda siyaasadeed ee Jowhar, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada ay bilaabeen xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa laga soo xigtay in kulankan sidoo kale looga hadlay arrimaha doorashooyinka, maadaama waqtigeeda lagu dhawaanayo iyo amniga Jowhar, si loo adkeeyo loona xakameeyo dhaqdhaqaaqa ciidanka iyo in hub lala soo galo magaalada.

Sidoo kale xogaha laga helay kulanka ay yeesheen Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayaa intaasi kusii daraya in lagu soo qaaday arrimaha gobolka Hiiraan, gaar ahaan khilaaf soo kala dhex-galay guddoomiyaha gobolkaasi Muuse Salaad Wehliye iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle.

Dabageed ayaa dalbaday in xilka lag qaado guddoomiyaha gobolka hiiraan, oo uu khilaafkooda bannaanka usoo baxay, waxaana arrintaasi aqbalay Madaxweynaha oo isla maanta xilka ka qaaday Muuse Salad, waxaana lagu bedalay mas’uul cusub.

Xaaladda guud ee HirShabelle ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, maadaama la galayo xilli kala guur ah oo doorasho, waxaana weerarka ugu wayn uu ku socda Madaxweyne Guudlaawe.

Horay HirShabelle ayaa usoo saartay go’aan culus oo lagu mamnuucay in hub lala soo galo Jowhar, iyadoo ciidamada Booliska lagu amray inay ka hortagaan cid kasta oo halis ku an amniga, taas oo muujineyso in maamulka uu ka hortagyo dhaq-dhaqaaqa mucaaradka.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qorsheysay in doorasho laga qabto maamul goboleedyada dalka, sida HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halkaas oo la filayo inay ka dhacaan isbedallo waa wayn, maadaama la galayo tartamo adag.

- Advertisement -

Read more

Local News