Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Agagaarka Taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, uuna saarnaa naftii hurre, ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda, xili uu gaarigu maraayay agagaarka Isgoyska Sayidka.
Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobtaasi laga maqlay rasaas xoogan, oo ay dhawr jiho u furayn Ciidamada Dowladda Somalia kuwooda halkaasi ka dhawaa.
Ku dhawaad 5 Askari oo la soctay Kolonyada la weeraray ayaa ku dhaawacmay Qaraxa, halka dhimashaduna ay kor u dhaafeyso ilaa 4 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo wadadaasi isticmaalaayay.
Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa waxaa ku dhacay rasaas ay ridayeen ciidamada ilaalada ka ah Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Otto Otto oo goobta Qaraxa ku taalla.
Ciidamo farabadan ayaa iminka dhooban goobta Qaraxa waxaana halkaasi laga qaadayaa dhaawaca iyo Meydadka ka dhashay Qaraxa ismiidaaminta ee loo adeegsaday gaariga.
Ciidamada goobta la geeyay ayaa jaray gabi ahaan wadada waxaana sidoo kale hadda la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada Dowlada.
Hay’addaha amaanka weli kama aysan hadal Khasaaraha iyo sida uu weerarka Ismiidaaminta ah u dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]