Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxa uu wali kasoo baxayaa Muranka iyo Khilaafka ka taagan qoondada Aqalka Sare kaga soo aaday dadka kasoo jeeda gobollada waqooyi.
Si caqabadaani Muranka iyo Khilaafka dhalisay looga gudbo waxgaradka gobollada waqooyi ee hadda ku magacaaban Somaliland kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in DFS ay wadahadal la furaan si loogu dhameystiro xuquuqdooda ka maqan.
Suldaan Saciid Diiriye oo kamid ah waxgaradkaasi ayaa sheegay in wali uu muranka yahay mid taagan balse ay iminka wadaan qaabka ugu sahlan ee lagu xalinkaro cabashadooda.
Suldaan Saciid Diiriye waxa uu sheegay in hadda uu socdo wadahadal ku aadan in Dowladu ay tirro dheeri ah ugu darto xubnaha Aqalka Sare si loo soo dadajiyo soo gudbin Liiska Aqalka Sare ee Xubnaha u matali lahaa Aqalka Sare.
Suldaanka waxa uu sheegay in 100% ay ku raja weyn yihiin in xal laga gaaro tabashadooda waxa uuna in wadahadalka uusan wakhti badan qaadan doonin.
Suldaanka ayaa sheegay in ka waxgarad ahaan aysan ku qanacsanayn qoondada ay ka heleen aqalka sare ee Soomaaliya, balse ay rajeynayaan in DFS ay ku qanacdo xaqiiqda taagan.
Sidoo kale, Liiska xubnaha aqalka sare ee gobollada waqooyi ayaa la filayaa inay ka soo muuqdaan xubno ka soo jeeda gobolladaasi oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo kuwa hadda ka haya.
Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa aqalka sare ee ka imaanaya loogu daray seddex xubin oo dheeraad ah marka loo eego kuwa ka imaanaya dowlad goboleedyada kale oo min siddeed xubin ah.
Dhanka kale, Dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa inay ka caga jiideyso qancinta dadka kasoo jeeda gobollada waqooyi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

