25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: La-taliyaha Michael Keating oo qas iyo qabyaalad wada una hiilinaya beel gaar ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Nuuraddiin Diiriye oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska UNSOM isla markaana arrimaha siyaasadda Soomaaliya kala taliya wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating, ayaa faragelin iyo qas ku haayo arrimaha doorashooyinka isagoo fulinaayo danaha beesha uu kasoo jeedo ee Puntland.

Sida ay sheegeyso xogta Caasimada Online, Nuuradiin Diiriye ayaa waday olole siyaasadeed oo Puntland u xaglineysay, taasoo uu ku doonayay in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha iyo in qoondada aqalka sare Sool iyo Sanaag wax ku lahaadaan Puntland.

Nuuradiin Diiriye iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo iskaashanaya ayaa waxay qorsheynayeen in doorashada aqalka hoose ee gobolada Waqooyi lagu qabto xerada Xalane, taasoo u suurageli weysay ilaa markii danbe ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu bayaan uu ku codsanayay in doorashadaasi lagu qabto Xalane uu soo saaro.

Michael Keating iyo Nuuradiin Diiriye

Ilaa seddax jeer ayaa garoonka diyaaraddaha Muqdisho waxaa kulan albaabada u xeran ku dhex maray Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo Nuuradiin Diiriye, iyadoo dadka qolka VIP-da ee garoonka saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo ra’iisul wasaaraha kula jireen laga saarayay xiliyadii kulamadaasi dhacayeen.

Tan ugu fool xumeyd ayaa aheyd markii Nuuradiin Diiriye uu amar ku siiyay Taliyaha NISA Gen. Gaafoow in uu qolka VIP ka baxo si uu shir gooni ah ula yeesho Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna Gaafoow  iyo saraakiishii la socotay iyagoo is fiir fiirinaya ay hal hal ugu huleeleen qolka.

Nuradiin Faarax ayaa xafiiska UNSOM ku joogo nidaamka 4.5, isagoo dhinaca Puntland madalaya, inkastoo Michael Keating uusan warkiisa dhageysan haddii ay dhacdana inuu dhageysto uu geliyo weydiimo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News