25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Lacagta Xasan uga baxday doorashooyinka Aqalka Hoose oo la ogaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeri ah ayaa kasoo baxaya lacagta madaxweyne Xasan Sheekh uga baxday xildhibaanada cusube ee Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya, ee isaga taageersan.

Madaxweynaha ayaa lagu warramayaa in lacag ka badan shan milyan oo dollar uu ku bixiyey xildhibaano aad ugu dhow oo qaab musuq maasuq loogu soo saaray aqalka Hoose, xilli Soomaali badan ay abaar iyo gaajo u dhimanayaan.

Meelaha ay abaartu culus ee Soomaaliya ka jirto waxaa ka mid ah Galmudug, Puntland, Somaliland iyo deegaano kale, oo boqolaal Soomaali ah ay gaajo uga dhimanayaan, kuwaasi oo Xasan aanu soo hadal qaadin xitaa iska daa inuu gacan siiyee.

Sida ilo lagu kalsoon yahay ay Caasimada Online u sheegeen, magaalada Jowhar, ayaa madaxweynaha waxaa uga baxay hal milyan iyo bar dollar, taasi oo dheeri ku ah lacagta ay sidoo kale jeebkooda ka dhiibeen xubnaha lasoo doortay.

Waxa uu sidoo kale laba milyan iyo bar uu ku bixiyey doorashooyinka Cadaado, oo ay kusoo baxaan dad isaga aad ugu dhow, sida Mahad Salaad iyo agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq Cabdikariim. Waxaa sidoo kale jira xubno kale oo dhowr ah oo madaxweynaha uu kasoo saaray Cadaado.

Xasan ayaa sidoo kale xildhibaano dhowr ah ku lahaa xubnaha lagu soo doortay Kismaayo, halkaasi oo milyan dollar lacag ka badan ay uga baxday.

Waxaa yaab leh in lacagta Xasan uu sidan doorashada ugu bixinayo ay tahay lacagtii umadda Soomaaliyeed ay usoo dhiibeen dalalka deeqada bixiya iyo hay’adaha caalamiga ah.

Lacagtan waxaa sii dheer lacagta uu madaxweynaha qorsheeyey inuu ku iibsado codadka xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, marka ay dhaceyso doorashada, taasi oo lagu qiyaasay 20 milyan oo dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News