Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed oo ka tirsan BFS, ayaa iminka khuus ka taagan inuu noqdo Madaxweynaha maamulka cusub ee loo dhisi doono Goballada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Xildhibaan Faarax ayaa caqabado kala duwan ay ka heystaan dhinaca Odayaasha Hiiraan oo iyagu si cad u diiday in Faarax C/qaadir uu isku soo taago xilka madaxtinimo ee maamulka cusub.
Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa Xassan Sheekh iyo dhammaan
Mas’uuliyiinta kale ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ku wargaliyay in haddii wanaag loo rabo Gobolka aan laga soo ag dhaweyn Faarax C/qaadir.
Faarax oo iminka la dhaqaaqi la culeyskaasi, ayaa waxa uu go’aan cad ku gaaray in booskiisa uu u baneeyo shaqsiyaad kale oo uu wato Xassan Sheekh Maxamuud.
Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in tanaasulka Faarax C/qaadir uu yimid kadib markii Xassan Sheekh uu ka dalbaday inuu kala shaqeeyo arrimaha Doorashooyinka si mar kale uu usoo laabto una qabto xilkaasi.
Arrinta kale ee keentay in tanaasul uu la yimaado Siyaasiga Faarax Sheekh C/qaadir, ayaa waxay ka dhalatay iyadoo uu jahawareer badan ka taagan yahay Dhismaha Maamulka Goboladaasi, waqtiguna uu isa sii guraayo.
Faarax Sheekh ayaa kamid ah ragga Siyaasadooda looga shaqeeyo dalka Somalia, waxa uuna lamberka koowaad kaga jiraa ragga xiriirka dhow la leh Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Docda kale, Faarax C/qaadir ayaan Degmo iyo Tuullo toona ka dagin Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]