Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Boqorka dalka Sacuudi ayaa casuumaad u sameeyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa warqada casuumaada ka gudoomay Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Kenya Dr. Mohammed Abul-Ghani Khayat kaddib kulan ay ku yeesheen Villa Somalia.
Dhamaadka Bisha May ee aan ku jirno ayaa lagu wadaa in magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga uu ka furmo shir dhexmari doona Madaxweyne Trump iyo Madaxda dalalka Muslimiinta.
Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ay magaalada Riyadh isku arki doonaan Madaxweynaha dalka Mareykanka Donalad Trump oo qeyb ka noqon doona shirka.
Labada Madaxweyne ayaa kulanka wada qaadan doona marka uu soo xirmo shirka kadib, sida laga soo xigtay ilo Diplumaasiyiin ah.
Sidoo kale, Donalad Trump, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda halkaas isugu tagi doonta.
Dhinaca kale, Shirka oo socon doona muddo ku dhow laba maalin ayaa waxaa si wada jira u gudoomin doona Boqorka Sacuudi Carabiga Boqor Salmaan Bil Abdulaziz iyo Madaxweynaha Mareykanka Donalad Trump.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com