Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in dhawaan magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan dhammaan Madaxda maamul Goboleedyada dalka ee ka hoos shaqeeya DFS.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in imaanshiyaha madaxdaasi ay kusoo beegmeyso Tobanka Bishan April, kuwaasi oo ka arrinsan doona arrimaha la xiriira Doorashada Somalia ee la filaayo inay dhacdo dabayaaqada sanadka aan ku jirno.
Shirka dhexmari doona Madaxda ugu sareysa dalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, ayaa waxaa sidoo kale looga arrinsan doonaa gudiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira dhanka farsamada.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale, goobjoog ka ahan doona Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, kuwaasi oo dhex dhexaad u ahaan doona labada dhinac oo ay suuragal tahay inay isku khilaafaan qaabka looga shooraayo Gudiyada.
Dhanka kale, waxaa aad u kooban mudada ka harsan Doorashada, waxa ayna su’aashu tahay sida ay madaxdu uga wada shaqeyn lahaayen howlaha faraha badan ee harsan, lana doonaayo in lagu qabto muddo aad u yar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]