“XOG”: Madaxweynaha oo maanta ku dhowaaqaya Ra’iisul Wasaaraha.

Warar soo gaaray Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, uu maanta oo ah Khamiis (October 4, 2012) si rasmi ah ugu dhowaaqi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu dambeyn madaxweynaha uu soo geba gebeeyay latashiyadii uu waday muddo ku dhow bil, sidaa darteedna maanta uu ku dhowaaqayo ra’iisul wasaaraha.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo arrintan ku aadan, waxaana la sheegayaa in madaxweynuhu uu doonayo inuu ku dhowaaqista ka dhigo mid kadis ah.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan cidda madaxweynuhu magacaabi doono, waxaana xubno ka tirsan xafiiskiisa ay inoo sheegeen in xittaa ayaga aysan garaneyn cidda la magacaabayo, oo Madaxweynuhu dhowr goor oo horey is-beddelay.

Waxaa sidoo kale macquul ah in madaxweynuhu maanta haddana mar kale uu ka baaqdo magacaabista, sida dhowr goor oo horey dhacday, hase yeeshee ay u badan tahay inuu ugu dambeyn maanta shaaciyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Magacyada dadka miiska saaran waxaa ugu caansan Maxamed Farmaajo oo horey jagaadaas u qabtay iyo Cadbi Weli Gaas oo iminka haya. Waxaa jira labaatameeyo kale oo ah dad siyaasadda ku cusub, oo ayagana rajo leh.