25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Xog: Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay laba safiir oo muhiim ah iyo muran ka dhashay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho) Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uusan dalka ka dhoofin maanta oo bisha Febraayo 11 tahay, magacaabay laba safiir.

Magacaabidda safiiradan ayaa waxaa aay sii dhalisay xiisad siyaasadeed oo hor leh, waxaana diiday waraaqihii lagu soo magacaabay labada safiir RW CCC oo garab ka helaayo Guddoomiyaha Baarlabaanka JFS Maxamed Cusmaan Jawaari. Labadan Safiir ayeey ahayd in maanta oo Khamiis ah la horkeeno shirka golaha wasiirada waxaana diiday RW CCC.

fitaaxMagacaabida labadan safiir oo kala ah guddoomiyii hore ee gobolka Hiiraan oo loo haysto dil masuul u shaqeynaya Qaramada Midoobay Cabdifatax Xasan Afrax oo loo magacaabay in uu noqdo Safiirka Soomaaliya iyo Urur Midowga Africa u fadhiya magaaalada Addis Ababa.

maderWaxaa isagana loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Maxamed Xaaji Madeer oo aay isku hooyo yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa safaaradda Turkiga laga qaaday Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbalooshe oo hadda Muqdisho ku sugan rabana in uu musharax ka noqdo maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh. Dhexe. Sanbaloosha ayaa tan iyo intii loo magacaabay safaaradda Turkiga, uu aad u sii xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyo iyadoo lagu soo eedeeyay safaarada Ankara musuqmaasuq dhinaca deeqaha waxbarasho iyo fiisooyinka Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News