24.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tegaya furimaha hore ee dagaalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay u ambabaxaan safar kooban oo ay ku tagayaan furimaha hore ee dagaaka, si ay u dhiirageliyaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo xaqiijiyay in saacadaha soo socda uu madaxweynaha booqanayo gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo tegaya deegaannada ay ka socdaan howlgallada, si uu ula kulmo ciidamada iyo saraakiishooda.

Sidoo kale wuxuu kormeeri doonaa saldhigyada ciidamada iyo difaacyada hore, iyada oo ujeedka uu yahay dardargelinta dagaalka Al-Shabaab.

Booqashadan ayaa daba socoto guullo  is-daba joog ah oo ay ciidamada huwanta kasoo hoyeen howlgallada Shabeellaha Dhexe, kadib markii argagixisada lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay, gaar ahaan deegaanka Jabad-Godane oo si buuxda looga saaray,

Sawirro ay shalay baahisay warbaahinta dowladda ayaa muujinayo maydad badan oo ay ciidamadu isugu geeyeen hal goob, isla markaana qorshuhu yahay in la asturo.

Waxaa sidoo kale ciidamada ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah oo ku aadan xaaladda deegaanka, iyaga oo baacsanaya firxadka Al-Shabaab.

Horay madaxweynaha Soomaaliya ayaa u booqday gobolkan iyo deegaanno kale oo kamid ah gobollada dhexe, isaga oo markaas hoggaaminayay dagaalka ay dowladdiisa ku qaaday kooxaha Khawaarijta, kaas oo muddo dheer socda.

Si kastaba, safarka madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay kii jasiiradda Kudhaa, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

- Advertisement -

Read more

Local News