25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Magacyada iyo qabiilada xubnaha isku hay guddoonka BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamanka Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in dardar ay ku socdaan is diiwaangalinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha BFS iyo ku-xigeenadiisa.

Guddiga ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay arjiyadooda soo gudbiyeen Siddeed Musharax oo u taagan xilalka Guddoonka baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.

Guddiga ayaa sheegay in Musharaxiinta arjiyadooda soo gudbiyay ay kamid yihiin Xildhibaanada kala ah:

1-Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo kasoo jeeda beesha Eelaay ee beelaha Digil iyo Mirifle.
2-Cabdirashid Maxamed Xidig,oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee Daarood.

Sidoo kale, Gudoomiye ku-xigeenada Koowaad iyo kan Labaad ayaa waxaa ilaa iyo hadda tartan ugu jira afar murashax oo kala ah:

1-Jeylani Nuur Iikar.

2-Saciid Xusseen Ciid.

3-Cabdweli Ibrahim Sheekh Muudey.

4-Khadiijo Maxamed Diiriye.

5-Khaalid Macow Cabdiqadir.

6-Cabdiqadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Si kastaba ha ahatee, waxaan la garankarin Musharaxa guuleysan doona iyo kan laga guuleysan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News