Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegeysa in Madxaweyne Xassan Sheekh uu miiska u saaran yahiin liiska shaqsiyaadka u sharaxan Xilka Ra’isul wasaaranimo, haddii lagu guuleysto in C/Weli Sheekh Axmed la rido.
Xogta oo laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Xafiiska madaxweynaha ayaa sheegeysa in shaqsiyaadkaasi u taagan xilka ay ugu cad-cad yihiin seddex Mas’uul oo magacyadooda lagu kala sheegay:-
1 – Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Maaliyada Dowladda Soomaaliya ee iminka, kana soo jeeda beesha Absame.
2 – Dr. Bashiir Nur Bidaar, oo horay usoo noqday musharax u taagnaa qabashada madaxtinimada dalka, kana soo jeeda beesha Mareexaan.
2 – C/llahi Ciil Mooge Xirsi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta, boostada iyo is-gaarsiinta ee xukuumaddii Saacid, una dhashay beesha Absame.
Seddexdaani Mas’uul ee ugu cad-cad, ayaa waxa ay Siyaasad ahaan isku dhow yihiin Madxaweyne Xasan iyo kooxdiisa Damu-Jadiid.
Si kastaba, wararka qaar ayaa sheegaya in Xuseen Cabdi Xalane uu yahay ninka ugu dhow madaxweynaha. Sidoo kale waxa uu xiriir dhow la lee yahay dowladda Ethiopia oo qeyb ka ah ololaha lagu ridayo Cabdi Weli.
Dhanka kale, Xassan Sheekh oo uu xilka uga harsan yahay wax ka yar laba sano sano ayaa waxa uu ka fiirsanayaa shaqsiga uu xilkaasi u dhiiban doono, dhicitaanka R/W C/Weli Sheekh kadib, si khilaaf kale uusan u imaan.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]