28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Mareykanka oo isha ku haya murashaxiin haysta dhalashada dalkaas

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa u muuqda inuu ka dhabeynayo hadal todobaadkii hore uu shaaciyay safiirkooda ugu wakiilka ah arrimaha Somalia, kaasoo ugu digayay xildhibaanada iyo murashaxiinta haysta jinsiyada Mareykanka inay ku lug yeeshaan masuqmaasuqa doorashooyinka Soomaaliya.

Xildhibaankii iyo murashaxii Soomaali Mareykan ee lagu dambigaasi ayaa lagu qaadi doonaa sharciga u degsan Mareykanka isagoo ku sugan meel ka baxsan Mareykanka.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ka heshay diblomaasiyiin Soomaali ah oo ku dhow safaaradda Mareykanka ee Soomaaliyai, ayaa sheegaya in isha lagu haayo xildhibaano dhowr ah oo haysta dhalashada Mareykanka ayna ku jiraan musharaxiin.

Dadkan oo lagu qiyaasay dhowr iyo toban qof, islamarkaana wada haysta dhalashada Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan C/qaadir Cosoble oo la eegayo kursiga xildhibaano ee uu ku guuleystay oo la tuhmayo in lacag badan lagu bixiyay. Cosoble ayaa iminka ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Caddow Cali Gees oo isna ku dhawaaqay todobaadkii hore murashaxnimadiisa, islamarkaana haysta dhalashada Mareykanka ayaa ka mid ah dadka isha lagu hayo.

Caddow Cali Gees oo ka mid ah ganacsatada ugu muuqda Muqdisho ayaa kursiga xildhibaano ee beeshiisa kasoo galay Galmudug, waxaana la ogsoon yahay inuu ahaa ganacsadaha kaliya ee lacagta ugu badan ku bixiyay sidii uu u haqanan lahaa xildhibaanimada.

Lama oga in go’aankaan sababta loogu dhawaaqay in ay la xiriirto labadaasi xildhibaan ee isu taagay xilka madaxweynenimo Soomaaliya iyo inay qeyb ka yihiin xildhibaanada guud ee isha lagu hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News