Qaahira (Caasimada Online) – Calaamado isa soo taraya ayaa muujinaya in Masar ay ka cago jiidayso dirista guuto ciidan ah oo ay u ballanqaaday howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, taasoo horseedday in la qaado tallaabooyin degdeg ah si looga hortago burbur amni oo ka dhaca Soomaaliya
Arrinta oo ay saraakiisha Midowga Afrika (AU) si guud ugu sheegeen “dib-u-dhac,” ayaa ilo-wareedyo iyo diblomaasiyiin waxay ku tilmaameen in ay tahay “diidmo is-sii kordheysa” oo ay Qaahira ka muujinayso ka qaybgalka. Go’aankan ayaa ku qasbay Midowga Afrika inuu kordhiyo muddada xil-haynta cutubka ciidanka Burundi si loo buuxiyo farraqa jira, wuxuuna sidoo kale daaha ka rogay qanacsanaan la’aan qoto dheer oo laga qabo qaab-dhismeedka iyo maalgelinta howlgalkan cusub ee xasilinta.
Tirada ciidanka Masar oo gaaraysa 1,091 askari waxay qayb ka ahaayeen ballan-qaadkii la xiriiray Howlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), waxaana mar hore loo asteeyay in la geeyo gobolka istiraatiijiga ah ee Shabeellaha Dhexe. Maqnaanshahooda ayaa hadda sababay in deegaan muhiim ah uu galo xaalad firaaq amni, xilli ay socoto dhimista ciidamada howlgalkii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah mowqifka Qaahira, mas’uuliyiinta Masar ma aysan qarsan sida ay uga xun yihiin qaab-dhismeedka howlgalka AUSSOM. Waxay aaminsan yihiin in howlgalkan uusan haysan kheyraad ku filan, waxayna ka walaacsan yihiin inay ciidamadooda u diraan hawlgal ay ka baqayaan in loo qorsheeyay inuu guuldarraysto.
Qanacsanaan la’aan qaab-dhismeedka ah
In kasta oo aysan Qaahira si rasmi ah u shaacin diidmo, haddana ficil la’aanteeda iyo walaaca ay si hoose u muujisay waxay farta ku fiiqayaan laba diidmo oo waaweyn.
Marka hore, waxaa la soo tebiyay in saraakiisha Masar ay si weyn uga niyad-jabsan yihiin tirada yar ee askarta ah ee loo qoondeeyay howlgalka AUSSOM si ay u sugaan deegaanno baaxad weyn oo qalalaase ka jiro. Waxay rumeysan yihiin in tirada ciidanka aysan ku filnayn hawsha adag ee ilaalinta shacabka iyo taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira al-Shabaab oo ah urur adkeysi badan.
Marka labaad, oo ah tan ugu muhiimsan, Qaahira waxay walaac xooggan ka muujisay la’aanta hannaan maaliyadeed oo waara oo uu leeyahay howlgalka. AUSSOM waxaa la sheegay inuu wajahayo hoos-u-dhac maaliyadeed oo sanadkiiba lagu qiyaasay in ka badan $160 milyan oo dollar. Si ka duwan kii ka horreeyay ee ATMIS, ma laha ilo dhaqaale oo cad oo uga yimaada Qaramada Midoobay ama saaxiibbada kale ee caalamka. Tani waxay keentay cabsi ay Masar ka qabto in lagu lug yeesho hawlgal si liidata loo maalgeliyay oo aan lahayn taageero sahay iyo saanad ku filan.
“Ka cago jiidka dirista ciidanka waxay salka ku haysaa walaac dhab ah oo laga qabo in howlgalka, qaabka uu hadda u dhisan yahay, uusan ahayn mid shaqeyn kara,” ayuu yiri falanqeeye dhinaca amniga ah oo la socday wada-xaajoodyada. “Qaahira ma doonayso in ciidankeeda la geliyo xaalad nugul oo uu sababay howgal aan haysan dhaqaale iyo tiro ciidan oo ku filan si uu waxtar u yeesho.”
Diblomaasiyad ku guuldareysatay
Is-mari-waagan ayaa sii socday xitaa kaddib booqasho heer sare ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku tagay dalka Masar toddobaadkii tegay, halkaas oo uu kula soo kulmay dhiggiisa, Madaxweyne Cabdel Fataax al-Sisi, kulamo soo dhammaaday 8-dii Luulyo. In kasta oo war-murtiyeedyo wadajir ah lagu adkeeyay iskaashiga amniga ee ku saleysan heshiiskii bishii Agoosto 2023, haddana lagama hadlin xal ama jadwal cusub oo ku saabsan geynta ciidamada, taasoo ah aamusnaan sii kordhisay oo kaliya walaaca jira.
Si looga jawaabo xasaraddan, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika wuxuu ku qasbanaaday inuu lix bilood u kordhiyo muddada xil-haynta cutubka ciidanka Burundi ee ka kooban 1,900 oo askari, si looga hortago firaaq amni oo degdeg ah, maadaama dhimista ciidanka ATMIS ay u socoto sidii loo qorsheeyay.
Xaaladdan waxay Midowga Afrika gelinaysaa mowqif adag, iyadoo muujinaysa dhibaatada ka jirta helitaanka ballanqaadyo sugan oo laga helo dalalka xubnaha ka ah si ay uga qaybqaataan hawlgallada nabadda ee halista badan oo qaali ah.
Waxay sidoo kale cakiraysaa istiraatiijiyadda goboleed ee Masar, oo doonaysay inay isu muujiso dammaanad-qaade amni oo muhiim u ah Soomaaliya, xilli ay loollan adag kula jirto Ethiopia kaasoo ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Ethiopia (GERD) iyo heshiiska bad ee muranka dhaliyay ee ay Ethiopia la gashay Somaliland.

