Xog: Mas’uuliyiin iyo saraakiil sare oo dalka ka tegay iyagoo isticmaalaya xeelad yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadihii iyo bilihii ugu dambeeyey waxaa aad u batay masuuliyiinta dowladda dowladda, shaqaalaha iyo saraakiisha ciidamada ee isaga tegaya dalka, iyagoo adeegsanaya hal wado ama hal qorshe.

Ugu horeyn qof kasta oo shaqaalaha dowladda ah wuxuu raadsaday baasaboorka Service-ka, taas oo ka tixgin badan kan shacabka, markii la eego guud ahaan caalamka, maadaama qofka sita lagu tixgelinayo inuu xubin ka yahay dowladda Soomaaliya.

Shaqaale iyo saraakiil badan oo ku baxay baasaboorkaas ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay galay dalalka Yurub, iyagoo qaarkood u sii tahriibay dalka Mareykanka.

Caasimada Online, waxay ogaatay inta badan dadkaasi inay ku baxeen Visa dalxiis oo dalka Talyaaniga ah, waxaana u fududeysa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ma ogin in safaradaan batay ee dalka looga baxayo ay qolo gaar ah dhaqaale ka sameyso, balse waxaa la yaab noqotay in dadkii ugu muhiimsanaa dalka oo qaarkood ay ahaayeen agaasimayaal, shaqaale muhiim ah iyo saraakiil ka tirsan hey’adaha ammaanka ay dalka isaga baxeen.

Inta badan hey’adaha kala duwan ee dowladda ayey ka baxeen dadka ilaa hadda la ogyahay inay galeen Yurub iyo America, xafiisyada ra’iisul wasaaraha, golaha shacabka, NISA, booliska, hey’adda socdaalka iyo inta badan wasaaradaha dowladda ayey ku jireen xubnaha baxay iyagoo adeegsanaya baasaboorka Service-ka iyo Visa dalxiis.

Soomaaliya oo hadda u muuqata inay ka soo kabaneyso qarankabkii ku dhacay in dhalinyaradii waxbaratay ay dalka isaga tegayaan weli waa arrin la yaab leh oo quus gelineysa qofkii xog ogaal ah, kumana baraarugsana dowladda Soomaaliya khatarta ka dhalan karta arrintaan.

Inta badan dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in dadka baxaya ay ka degaan, iyagoo kadibna uga sii gudba, iskana dhiiba dalalka kale ee Yurub, waxaana ogaanay inay badankood isticmaaleen Visa dalxiis iyo baasaboorka Service-ka ee la siiyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira dad safaro u raacay masuuliyiinta sare ee dowladda federaalka, kuwaas oo ka soo haray, kadibna iska dhiibay dalalkii ay ku soo hareen, dadkaasi waxaa ku jira masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyada dalka, waxayna u badan yihiin kuwo ka tirsanaa dowladda federaalka, maadaama ay ka fursado badan yihiin.