25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 12, 2025

Xog: Maxaa ka jira in ay baxsadeen xubnaha wafdigii ay DF u dirtay shirka Geneva?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Geneve (Caasimada Online) – Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar dhawaan lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada oo sheegayay in xubno ka tirsan wafdi dowladda ka socday oo ka qaybgalayay shir ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ay baxsadeen ama is dhiibeen.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf Maxamed Aadan, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo sal iyo raad toona aan lahayn. Wuxuu xusay in inta badan xubnihii ka socday Soomaaliya ay si buuxda uga qayb galeen shirkii Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) oo furmay 1-da bisha, qaar badanna ay durba dib ugu laabteen dalka.

“Runtii waxaan imaanay kowda bisha si aan uga qaybgalno shirkii sanadlaha ahaa ee ILO, waxaana si buuxda uga qayb galay xubnihii Soomaaliya matalayay. Qaar ka mid ah way laabteen, halka kuwo kalena ay weli ku sugan yihiin dalkaasi si ay uga qaybqaataan howlo muhiim ah oo socda illaa 13-ka bishan oo ah marka uu shirku soo xirmayo,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa intaa ku daray: “Afar qof oo aan anigu ka mid ahay ayaa weli jooga Geneva, waxaana joognaa si aan u dhammeystirno howlihii rasmi ahaa ee shirkan.”

Markii la weydiiyay sheegashada ku saabsan in xubno ka mid ah wafdiga ay baxsadeen ama is dhiibeen, wasiirka ayaa si adag u beeniyay. “Waxaan kuu xaqiijinayaa in warkaas uu yahay mid gebi ahaanba been abuur ah, sal iyo raad toona aan lahayn,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf.

Isagoo ka hadlayay halka uu ka yimid warkaan, Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan dad wata dano gaar ah oo doonaya inay dhaawacaan sumcadda dowladda iyo tan wasaaradda, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay nasiib darro.

“Warkaas waxaa faafiyay dad aan mas’uuliyad lahayn oo doonaya in ay sumcad-darro ku furaan dowladda iyo wasaaradda. Laakiin nasiib darro ayay tahay in warar noocaas ah lagu fidiyo warbaahinta,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu intaa ku daray in wasaaraddu bilaabi doonto baaritaan rasmi ah si loo ogaado cidda ka dambeysa faafinta warkan been abuurka ah, isagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug leh arrintaas.

“Waxaan bilaabi doonaa ururinta cadeymo rasmi ah si dadka arrintan ku lugta leh sharciga loo horgeeyo. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah,” ayuu ku daray wasiirku.

Shirkan oo ah Kalfadhiga 113-aad ee Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), ayaa waxaa kasoo qaybgalay wakiillo ka kala socday dowladaha, loo-shaqeeyeyaasha iyo shaqaalaha 187 waddan oo xubno ka ah ILO.

Waxyaabaha looga hadlayay waxaa ka mid ahaa dejinta xeerar cusub oo lagu difaacayo shaqaalaha, ka hortagga khatarta noolaha cudurrada keena ee goobaha shaqada, dhiirrigelinta shaqooyin sharaf leh, iyo hababka lagu wanaajinayo nidaamka dhaqaalaha rasmiga ah.

Wararka been abuurka ah ayaa imaanaya xilli Soomaaliya laga dareemayo qulqul dhallinyaro ah oo u tahriibaya waddamada galbeedka, taasoo noqotay mowduuc si weyn looga doodayo gudaha iyo dibadda dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News