Muqdisho(Caasimada Online) – Maalintii shalay waxaa soo shaacbaxay warqad kasoo baxay seddex masuul ee ugu sareysa dalka oo lagu amrayay in si ku meel gaar ah loo hakiyo shirka ka soconaya magaalada Beydhabo.
Ujeedada ka dambeysa in la hakiyo shirka magaalada Beydhabo ayaa laheyd labo waji, waxaana inta badan eeda dusha looga tuuray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Ujeedada koowaad ayaa lagu sheegay inay tahay in xubnaha ergada ee ku sugan magaalada Beydhabo ay taageersan yihiin Shariif Xasan Sheikh Aadan, lagana baqay inay u doortaan madaxweynaha koofur Galbeed.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay ujeedada labaad in xildhibaanada baarlamaanka iyo wasiiro kooban oo ku sugan magaalada Beydhabo yimaadaan magaalada Muqdisho si ay ula saftaan ra’iisul wasaaraha dalka.
Maxamed Xasan Fiqi oo kamid ah gudiga farsamada maamul u sameynta koofur Galbeed ayaa ayaan daro ku tilmaamay in madaxdii dalka ee ka qeyb galay furitaanka shirka ay iminka soo jeediyaan joojinta shirka Beydhabo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshooyin ay meesha ku jiraan,islamarkaana aysan wanaaganeyn in khilaafka ka taagan magaalada Muqdisho uu saameeyaa gobolada kale, sida uu hadalka u dhigay.
Seddex maalin ka hor ayay warqad soo saareen seddexda masuul ee ugu sareysa dalka, iyagoo ku dalbanayay in si KMG ah loo hakiyo shirka maamul u sameynta koofur galbeed.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]