Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay u yeeray Xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo ugu baaqay in si degdeg ah ay ugu soo xaroodan magaalada Kismaayo.
Xildhibaanada oo maalmahaani danbe ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la xaqiijiyay in qaarkood ay maanta dib ugu laabteen magaalada Kismaayo iyagoo ka jawaabaya amarka kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Xildhibaanada harsan ee la filaayo inay ku laabtaan magaalada Kismaayo, ayaa waxaa hogaamin doona Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee maamulka Jubbaland Gen. Fartaag oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee dhawaan la dhaariyay.
Qorshaha ugu weyn ee Axmed Madoobe ugu yeeray Xildhibaanada labada Aqal ayaa ah inuu kala hadlo cida ay siinayaan codkooda, marka la gaaro Doorashada Madaxweynaha.
Jubbaland ayaa Baarlamaanka ku leh 51 xildhibaan, 8 Aqalka Sare ah iyo 43 oo Aqalka Hoose ah, waxaana uu yahay Maamulka Saddexaad ee ugu xildhibaanada badan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]