Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa Garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo kulan qarsoodi ah kuwada qaatay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Musharax Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan.
Kulankaani oo qaatay ugu yaraan Laba Saac iyo Bar ayaa waxaa lagu gorfeeyay Doorashada Somalia, Ololaha labada Musharax.
Labada Mas’uul waxa ay isla soo qaaden qorshooyinka Dowlada Imaaraadka Carabta ay ka damacsan tahay Somalia, Qaabka ay u hirgalin lahaayen iyo Suuragalnimada in si wada jir ah ay Dowlada Imaaraadka u taageerto maadaama Kursiga ugu sareeya uu ku fadhiisan doono Hal Madaxweyne.
Waxa ay labada Mas’uul sidoo kale isla soo qaaden Codadka laga heli karo dhanka Xildhibaanada iyo Dadaalka Xassan Sheekh uu ugu jiro fashilinta ololahooda.
Inta uu kulanka socday ayay sidoo kale, qadka Telefoonka kula hadleen Danjiraha Dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Mohamed Al-Cutmani inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa ay kala hadleen.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa wadata Cumar C/rashiid iyo Shariif Xassan oo muddo Seddex jeer ah ay kuwada kulmeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Kulanka labadaani mas’uul ee ku dhexmaray Garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo, ayay ku kala qaaten macluumaadkii ugu danbeeyay ee ku saabsanaa ololahooda, mana jirin cid kale oo Seddexeysa kulankood.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]