26.2 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Xog: Maxaad kala socotaa sababta Puntland ay mar walba ugu awood sheegato DF (Dhageyso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasinada Online) – Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu xasuustaa diidmo badan oo uu kala horyimid dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowladihii KMG ahaa ee soo maray dalka Soomaaliya, waxaana jiro sababo badan oo arimahaasi horseedaya.

Prof  Saciid Ciise Maxamuud oo wax ka dhigay jaamacad ku taala dalka Mareykanka ayaa sheegay iney jiraan arimo badan oo Puntland ku qasbaya iney iska weyneysiiso mar walbaa dowlada dhexe ee dalka.

Prof Saciid Ciise, ayaa sheegay iney adag tahay xiligan aqbasho nidaamka 4.5 ayna ugu wacan tahay siyaasad walbaa oo ku saabsan Soomaaliya in xiligii ku meel gaarka lagu dajiyay deegaanada Puntland.

Waxaabaha qasba in Puntland mar walbaa sheegaya waxaa kamid ah in lagu dhisay deegaanada Puntland dastuurka dalka, iyo in nidaamka Federaalka laga soo maleegay deegaanada Puntland halkaasina lagu soo dajiyay.

Sidoo kale wuxu sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynihii ka horeeyay mar walbaa hishiiska ay la galayaan Puntland inuu ka dhici jiray deegaanada maamulkaasi.

Beesha Caalamka ayuu sidoo kale sheegay in wax walbaa oo ay doonayeen ay la aadi jireen deegaanada Puntland, taasi oo Puntland ay u aragtay awood gaar ah oo ay dheer tahay deegaanada kale.

Hoos ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News