25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xog: Maxaa iminka ka socda hoteellada Xamar?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jawi mashquul ah galay inta badan Hoteelada ugu amniga badan ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu falanqeynaayo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Hoteelada ayaa waxaa isku uruursanaaya Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada doonaaya in mar kale ay kasoo dhexmuuqdaan Baarlamaanka cusub, kuwaasi oo xud xudanaaya Odayaasha si ay ugu daraan Baarlamaanka cusub.

Hoteelada ugu mashquulka badan ayaa waxaa kamid ah Hoteel Jazeera, Hayaat, City Palaz, Amiira iyo Saxafi kuwaasi oo ay ku badan yihiin Madaxda Dowlada.

Odayaasha dhaqanka, gaar ahaan kuwa Hogaanka u haya Beelaha ayaa bilaabay diyaarinta liisaska shaqsiyaadka ay saadalinayaan inay u matali karaan Baarlamaanka cusub, inkastoo dhibta ugu weyn ay ka taagan tahay sida ay u kala jeeb weyn yihiin shaqsiyaadka doonaaya in lagu darro Baarlamaanka.

Odayaasha ayaa Xildhibaanada kusoo xusha is fahan hoose, waxa ayna Liiska xubnaha beeshooda ee loo gudbinaayo Dowlada ku daraan keliya shaqsiga bixiya dhaqaale culus, waana tan keentay in xiligaani la bilaabo xud xudka Odayaasha.

Inta badan Mas’uuliyiinta maalmahaani ku shirsan Hoteelada aan kor ku xusnay ayaa kala taageersan Musharaxiin dhowr ah, waxa ayna saadaalinayaan sida ay u kala mudan yihiin Codadka iyo Musharaxa ku haboon in xiligaani uu noqdo Madaxweynaha dalka.

Qaarkood ayaa qaba in Madaxweynaha dalka uu ku haboonyahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Qaar ayaa qaba in Madaxweynaha dalka uu mudan yahay in mar kale loo doorto Xassan Sheekh Maxamuud, halka qaarna ay qabaan in la doorto Farmaajo oo miisaan ku dhex leh Umadda Soomaaliyeed.

Docda kale, waxaan la hubin cida noqon doonto Madxaweynaha dalka inkastoo sida caadaduba ah xilkaasi uu muteysan doono cida ay wadato Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News