28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Xog: Maxaadan ogeyn oo xiligan ka socda Labada Hoteel ee ugu weyn Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)– War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu ka bilowday kulamo looga soo horjeedo Musharaxiinta loolanka ugu qabashada xilka Madaxweyne.

Kulamada ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro ka tirsan Xukuumada uu wakhtiga ka dhamaaday iyo Xildhibaano dhawaan lagu soo doortay magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar.

Kulamada ayaa xoogooda ka socda Hoteelada Jazeera iyo Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana kulamada lagu sheegay inay yihiin kuwo looga soo horjeedo Musharaxiinta aan miisaanka laheyn ee sii kordhinaaya cadadka Musharaxiinta Madaxtinimo doonka ah.

Musharaxiinta looga soo horjeedo kulanka ayaa u badan kuwa ku jira garabka Isbaheysiga Musharaxiinta oo ay kamid yihiin C/qaadir Cosoble, Jabriil Cabdulle iyo Tarsan.

Sidoo kale, waxaa lagu taageerayaa kulanka Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo kamid ah Musharaxiinta, waxaana xusid mudan in kulamada socda ay qeyb ka yihiin Siyaasiyiin miisaan leh.

Dhinaca kale, waxa uu kulanka kusoo beegmayaa xili magaalada Muqdisho ay shirar joogta ah ku qaatan Musharaxiin magac doon ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News