Xog: Mudulood oo kulan deg deg ah yeelanaya maanta

Warsheekh (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan odayaasha dhaqanka Mudullood ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta oo Arbaca kulan deg deg ah dhaqanku ka yeelan doonaan dadkii lagu xasuuqay degmada Warsheekh ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Xubno kamid ah odayaasha ayaa sheegay in kulankaan uu ka dhici doono guriga Imaamka cusub ee Abgaal Imaam Daahir Maxamuud, waxaana kadib la go’aamin doonaa sidii lagu gaari lahaa goobtii lagu xasuuqay carruurtii iyo dumarkii ee duleedka degmada Warsheekh.

“Wax aad u xun ayaa dhacay, maanta ayaa ku balanay kulan deg deg ah oo ka dhici doono guriga Imaamka cusub waxaana kadib bixi doono xubno naga mid ah si loo soo arko wixii dhacay warbixina looga keeni,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo aan la hadalnay.

“Waa dhaqan aad u xun waana nagu ceeb hadaa nahay Mudullood, hore ayaa ka joogi la’eyn dhawaatiirtii iyo Culimadii la laayay tan ayaa noogu darsoontay fadhina nooma yaalo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabadoonka aan la hadalnay oo ka tirsan dhaqanka Mudullood.

Degmooyinka ku yaalla  xeebta gobalka Shabeelada dhexe ayaa wajahaya falal argagax leh oo salka ku haayo aanooyin qabiil.

Hore ayaa sidaan oo kale waxaa aano qabiil loogu dilay culimo, carruur iyo duqow degaanka ku sugnaa. Wali ma jirto wax xal ah oo arintaan laga gaaray inkastoo ay socdaan kulamo gaabis ah oo laga wado Muqdisho iyo Jowhar.