Xog: Muqdisho iyo Jowhar oo lagu diyaariyey xubnaha Xawaadle ee baarlamanka HirShabelle – Yaa sameeyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu diyaariyay xildhibaanada Baarlamanka HirShabeelle ee ka soo gali doono Beesha Xawaadle kadib markii ay beeshaasi diiday soo xulista xubnaha dhankooda ka iman doona.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, oo labadooda ka soo jeeda beeshaas, sidoo kalane soo noqday guddoomiyaasha gobalka Hiiraan ay qaateen doorka ugu weyn ee soo xulista Xildhibaanada beesha Xawaadle ee HirShabeelle.

“Waa diyaarsan yihiin xubnaha ka soo geli doono Xawaadle oo diidan dhismaha HirShabeelle, waxaa soo diyaariyay Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, odayaal kale ayaa qeyb ka ah soo xulista waxaana loo qaaday Jowhar qaarkoodna halkaas ayey joogaan halka kuwa kalane ay Beladweyne joogaan,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada waqtigooda dhamaaday ee ka soo jeeda Hiiraan.

Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa la sheegay in midkood qaban doono xilka Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, waxayna kaalin weyn oo muuqata hadda ku leeyihiin abaabulka loogu jiro soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle.

Madaxweynaha HirShabaeelle ayaa loo wadaa Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda beesha Abgaal, taasi oo beesha Xawaadle ay aad uga soo horjeedo ayaga oo ku doodaya in kursigaas ay tahay in loo daayo ayaga kaliya.

Siyaasiin badan, odayaal dhaqameed reer Hiiraan iyo qaar kale oo bulshada kamid ah islamarkaana dhamaantood ka soo jeedo Beesha Xawaadle ayaa diidan qaabka loo marayo dhismaha maamulkaas oo waqtigiisa dhamaaday, ayaga oo ku gacan seeray inay ka qeyb qaataan.