Xog: Mursal oo walaac ka muujiyay sida Villa Somalia ay u waddo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Muudey, ayaa caawa ka qeyb-galay shirka musharaxiinta mucaaradka ee Muqdisho.

Hase yeeshee, Caasimada Online ayaa ogaatay in kahor shirkaas uu dhowaan Villa Somalia la wadaagay cabasho uu ka qabo maamulka doorashada Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay xog helid la’aan ka heysato sida ay doorashada u maamulayaan saaxiibadiisa Villa Somalia.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa weydiisatay Madaxweynaha in lala socodsiiyo sida ay wax ku socdaan lagana qeyb geliyo shirarka muhiimka ah ee doorashada, maadaama uu yahay garab xukuumada dhinac taagan oo la shaqeeyo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaan ay kala shakiyeen kadib markii guddoomiye Mursal la sameeyay go’aano badan oo aan lala wadaagin, xilli uu dagaal xooggan usoo galay madaxtooyada darteed, sharciyo bandanna u jebiyey.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dhankiisa bilaabay kulamo uu la qaadanayo siyaasiinta mucaaradka ah qaarkood isagoon la tashan Villa Somalia, oo ah halka laga maamulo, wuxuuna ugu dambeyn caawa tegay shirkooda Hotel Jazeera.

Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye Mursal, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Fahad Yaasiin, ayaa la sheegaa in ay yihiin saaxiibo heshiis ku ah sida ay hadda dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada Soomaaliya, balse waxaa maalmihii dhowaa soo baxay kala shaki.

Xubno Mursal ku dhow qaarkood ayaa sheegaya inay dareemayaan in maadaama dano badan laga dhameystay Mursal, ay hadda u muuqata inaysan Villa Somalia u baahneyn, taasi oo ay ku sheegeen qalad weyn, maadaama weli dalka aysna doorasho ka dhicin.

Mursal ayaa garab weyn u noqday Villa Somalia, markii ay loolanka xooggan ku jirtay, wuxuuna hay’addii sharci-dejinta baarlamanka ka dhigay qeyb ka mid ah fulinta.