25.5 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xog: Musharaxiinta guddoonka BF oo hal sabab oo yaab leh isku diiwaan gelin la’

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa, ayaa sheegay inaanu wali qaban Musharaxiinta u tartameysa xilalka Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenadiisa BFS.

Guddiga ayaa sheegay in is diiwaan galinta Musharaxiinta ay bilaabaneysay 03 Janaayo taa oo ka dhaceysay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, hayeeshee aysan wali qaban arjiga Musharaxiinta la filaayay inay bilaabaan is diiwaangalinta.

Mid kamid ah Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in qorshaha uu ahaa in maalinta koowaad ay arjiga Musharaxnimo soo gudbiyaan ilaa Seddex musharax, balse aysan jirin Musharaxiin is diiwaan galisay ilaa iyo hadda.

Arbacada soo socota ayaa lagu wadaa in la doorto Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, waxa ayna tani muujineysaa in Musharaxiinta qaar aysan heysan dhaqaalaha is diiwaan galinta.

Guddiga ayaa horey u sheegay in musharraxa doonaya Guddoomiyenimada Baarlamaanka looga fadhiyo inuu bixiyo $15,000 oo ah diiwaangelintaa, halka Guddoomiye Ku Xigeneka Baarlamaanka laga doonayo inuu bixiyo $10,000.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News