26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Musharaxiinta ka soo jeeda Puntland oo laba lagu soo koobayo (Qorshe socda)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa wada qorsho lagu kala yareynayo musharaxiinta dhowrka ah ee kasoo jeeda deegaanada Puntland ee u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Gaas uu doonayo in musharaxiinta kasoo jeeda deegaanada Puntland oo gaaraya illaa afar lagu soo koobo oo kaliya ugu badnaan laba musharax.

Dadka kasoo jeeda Puntland ee tartamaya waxaa ka mid ah Cumar Cabdirashiid, Cabdiraxmaan Faroole, Cali Xaaji Warsame iyo Saciid Cabdullaahi Dani.

Gaas ayaa aaminsan in hadii ay dhacdo in musharaxiinta ay ku adkeystaan go’aankooda musharaxnimo ay is falisi doonaan, maadaama ay yaraan doonto codka Musharax waliba uu ka heli doono Xildhibaanada, taasi oo keeni karta inaysan xitaa u gudbin wareega labaad.

Illaa iyo hadda ma cadda labada musharax ee sida gaarka ah uu u doonayo Cabdi Weli Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News