26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Xog: Musharrax caan ah oo lagu wado inuu tanaasulo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Warar si aad ah u soo xoogeysanayay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in Ganacsadaha caanka ah ee Caddow Cali Gees oo ka mid ah Musharaxiinta ugu culus uu qorsheynayo inuu tanaasul sameeyo, maalinta ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha oo ku beegan Arbacada soo socota.

Ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wada hadalo illaa iyo hada meel dhexe maraya ay u socdaan Ganacsade C/llaahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees) iyo xubno ka socda Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo wada hadaladan laga gol leeyahay in labada Musharax is baheystaan,

Wada hadalkan ayaa bilowgiisa hore ahaa in Musharax Caddow Cali Gees uu tanaasul ka hor khudbadaha Musharaxiinta, balse waa uu diiday, iyadoo markii dambe lagu qanciyay marka la gaaro doorashada Madaxweynaha.

Musharax Caddow Cali Gees oo ah Ganacsade maalqabeen ah, ayaa bilo ka hor isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha, isagoo ka mid ahaa xildhibaanadii ku soo baxay dhaqaalihii ugu badnaa doorashadii ka dhacday Cadaado.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa hseegaya in Musharax Caddow Cali Gees uu taageeri doono Musharax Xasan Sheekh marka la gaaro wareegyada hore ee doorashada, si uu xoojiyo.

Musharax Caddow Cali Gees ayaa ka mid aheyn isbaheysiyada ay sameynayaan Musharaxiinta kale ee ka soo hor-jeeda Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo aan lagu arkin kulamadooda musharaxiinta ay yeelanayeen, waxaa loo arkayay inuu ahaa Musharax iskiis u taagan.

Khudbadii uu ka jeediyay Sabtidii Baarlamaanka oo aheyd mid iska koobneyd, ayaa aad uga duwaneyd khudbadaha kale ee Musharaxiinta oo si kulul u weerarayay Madaxweyne Xasan Sheekh 4-tii sano ee uu xilka hayay.

Sabtidii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu tanaasul sameeyay Musharax Eng. C/llaahi Cali Xasan oo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la sheegayaa in tanaasulkiisa ay ka dambeysay wada hadalo muddo socday oo lagaga dhaadhicinayay inuu ka tanaasulo Musharaxnimada, si uusan booska ugu ciriirin Musharaxa ay isku heybta yihiin.

Sidoo kale, musharaxiin oo kale oo dhowr ah ayaa la filayaa in caawa illaa beri ay tanaasulaan, waxaana la saadaalinayaa in maalinka doorashada marka la gaaro bar ka mid ah musharaxiinta aysan ka qeyb gali doonin, loona tanaasuli doono kuwa miisaanka culus, waxaana idiin soo gudbin doonaa mar dhow warar arrintaas la xiriira.

Xigasho: Jowhar.com

- Advertisement -

Read more

Local News