25.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Xog: Muxuu JAMAAL uga bedeshay dowladda Xasan Sheekh dhisida Firdhiye?

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa 30-kii Agoosto 2025 lagu qabtay doorashada hoggaanka maamulka Waqooyi Bari, taas oo lagu doortay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Doorashada oo ay ku loolamayeen toban musharrax ayaa socday ilaa fiidkii, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye oo loo doortay madaxweynaha, halka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil loo codeeyay in uu noqdo madaxweyne ku xigeenka.

Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo ka mid ahaa musharaxiinta ugu cadcad, balse ku haray wareegii koowaad isagoo helay 15 cod, ayaa galay kaalinta saddexaad.

Inkastoo markii hore laga cabsi qabay inuu codadkiisa u wareejiyo Cabdirisaaq Khaliif oo mucaarad ah, haddana xaaladdu way is beddeshay, waxaana codadkaas uu ku taageeray Cabdulqaadir Firdhiye, kadib wada-hadal iyo ballanqaad uu ka helay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muxuu Jamaal uga beddeshay dowladda Xasan dhisida Firdhiye?

Jamaal ayaa horraantii bishii Agoosto ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha, isaga oo si xooggan uga shaqeynayay sameynta isbahaysi siyaasadeed oo u horseeda guul.

Ololaha ballaaran ee uu ku qaaday Laascaanood waxa uu noqday mid saamayn ku yeesha tartanka, inkasta oo markii dambe uu heshiis siyaasadeed la gaaray dowladda federaalka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in dowladda federaalka u ballan-qaadday Jamaal xil ka tirsan xukuumadda Dan-Qaran, gaar ahaan wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Jamaal, oo horey usoo noqday wasiirka qorshaynta Soomaaliya intii u dhaxaysay 2017–2022, ayaa ahaa shaqsigii muddada ugu dheer hayay xilkaas.

Markii uu tartanku soo dhammaaday, Danjire Jamaal ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari, isaga oo rajo wanaag ka muujiyay in madaxweyne Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf ay horseedi doonaan horumar iyo dardar cusub oo maamulkaas uu yeesho.

- Advertisement -

Read more

Local News