Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku sugan magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa bilaabay la kulanka Xildhibaanada Mucaaradka ee qeybta ka ah Madasha Horusocod ee dhawaan looga dhawaaqay Nairobi.
Mas’uuliyiintii Guddoomiyaha kusoo dhaweeyay magaalada Nairobi ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaano ka tirsan BFS, garabka Mucaaradka.
Jawaari ayaa markii uu gaaray magaalada Nairobi durba kulan la qaatay qeyb kamid ah Xildhibaanada Madasha oo ay kawada hadleen sida loo qaboojin lahaa kcdoonka ay kaga soo horjeeda Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre.
Jawaari waxa uu Xildhibaanada Mucaaradka u sheegay inuu wakiil ka yahay Madaxweynaha dalka, waxa uuna ku baaqay in tabashada jirta lagu xaliyo miiska korkiisa.
”Wax nagu cusub maaha in laga hor imaado dowlada waxaan dooneynaa in wax waliba lagu dhameeyo wadahadal, Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaan isla fahanay in la dhameeyo tabashada jirta”
”Waxaan idinka dalbanayaa inaad kusoo laabataan dalka oo aad is aragtaan Madaxda aad wax ka tabaneysaan, waxaan suurgal aheyn in dowlad bilow ah laga hor imaado, sidaa darteed waxaan mar kale dalbanayaa in tabashada aan ku xalino wadanka oo aan dib ugu laabano”
Jawaari ayaa sidoo kale, Xildhibaanada u sheegay in mudada uu joogo uu kulamo la qaadan doono Madax heer caalami ah oo ay ku balameen inay isku arkaan magaalada Nairobi, waxa uuna ku taliyay inaan la buun-buunin tabashooyinka jira.
Geesta kale, Juddoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi uu ku xaliyo tabashooyinka Xildhibaanada ka hor inta uusan dib ugu soo laaban magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com