Xog: Muxuu Maraykanka Soomaaliya iyo Itoobiya ugu sheegay kulankii Addis-Ababa?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ayadoo shirka 37-aad ee madaxda Midowga Afrika uu maanta si rasmi ah uga furmi doono magaalada Addis ababa, ayaa waxaa caasimadda Itoobiya ku sii qulqulaya madaxda qaaradda.

Shalay gelinkii dambe waxaa halkaa gaaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxda shirka ka qayb galaysa, wuxuuna hore u sii shegay in uu Addis Ababa tegayo, uuna ka qayb galayo shir madaxeedka iyo laba shir oo kale.

Laakin arrinta isha lagu hayo ayaa ah tan xumaysay xiriir ka dhaxeeya labada dal, taasoo ahayd heshiiskii dhex maray Somaliland iyo Itoobiya ee ka caraysiisay Soomaaliya oo ku tilmaantay xad gudub lagula kacay madax-banaanideeda dhuleed.

Haddaba waxaa soo baxaya in dal kale oo dalalka awoodda leh ka mid ah uu labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya kula kulmayo magaalada Addis Ababa.

Ergayga gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan gobolka geeska Afrika Mike Hammer oo hadda ku sugan Addis Ababa ayaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda Soomaalida wuxuu madaxda Itoobiya kala hadlay khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Mike Hammer wuxu noo sheegay inuu la kulmay madaxda Itoobiya, isagoo la soo qaaday heshiiskii ay wada gaareen iyaga iyo Somaliland,” ayuu yiri mid ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qayb galaya shirka midowga Afrika.

Wuxu intaa ku daray “wuxuu kala hadlay mas’uulka Maraykanka ah madaxda Itoobiya sidii ay Itoobiya dib uga laaban lahayd heshiiska muranka dhaliyey.” Arrintaas ma aysan xaqiijin Itoobiya iyo Maraykanka.

Laakin Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu bartiisa X ku soo qoray “waxaan ku soo dhoweeyey Molly phee oo ka socotay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo danjire mike Hammer, ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan geeska Afrika, wadahadal aan ka yeelannay arrimaha gobolka iyo qaar dhinacyo badan leh.`

Haddaba maxaan ka fili karnaa amau u soo kordhin karaa cadaadiska Maraykanku wado ee labada dhinacba u ku saarayo in xal loo helo khilaafka soo kala dhex galay.

“Labada dhinacba waxaa looga baahan yahay in arrintaas ay si deggan uga baaraan degaan, Soomaaliyana ay ku wajahdo si taxaddar leh,” ayu yiri Xasan Xayle o ka faallooda arrimaha gobolka Afrikada Bari.

Wuxuu intaa ku daray “Soomaaliya mar haddii a yso ceshato xaqa ay leedahay waxaa la gudboon in ay damaanad bixiso, taasom la xiriirta dhinaca baahida ganacsiga ee Itoobiya.”

Arrinta kale ee aan wax ka weydiinay Xasan Xayle ee la xiriirta xalka khilaafka ayaa ahayd haddii la soo afjaro xiisadda sida uu noqon doono xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland.

“Xiriirkaas wuu sii jiri doonaa, laakinse waxaa soo afjarmi doona safarrada aysan dawladda federaalka ah ogayn ee maamulladu ay ku tagi jireen Addis Ababa, waxaana ii muuqata in siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka ay yeelan doonto hal mee oo laag maamulo iyo hal mel oo ay ka socoto,” ayuu yiri Xasan Xayle.

Inkastoo cadaadis badan uu ku socdo soomaaliya iyo Itoobiya, misna ma jirto cid kale oo toos uga hadlaysa, ayadoo dhinaca Soomaaliyana ay weli ku adkaysanayso in mowqifkooda uusan isbeddelin.

Shir madaxeedka midowga Afrika ayaa ku eg 18 bishan Febraayo, waxaana la kala ogaan doonaa wixii xilligaas ka dambeeya halka ay isla gaaraan Soomaaliya iyo Itoobiya, haddiiba ay dhacdo in ay wada kulmaan.